Wararka SUUQA: Go’aanka Chelsea Ee Ronaldo, Xiddiga Liverpool Iyo Chelsea Lagu Garaacay & Qorshaha Barca Ee January

Manchester United ayaa suuqa January dalab ka gudbin doonta Memphis Depay oo ay kooxdeeda dib ugu soo celinayso. (Sport – in Spanish)

Newcastle United ma xiisaynayso Cristiano Ronaldo kaddib markii uu ka tagay Manchester United. (Football Insider)

Chelsea lama filayo inay u dhaqaaqdo Cristiano Ronald oo haatan xor ah walow ay hore u xiisaynaysay. (Sun)

Ronaldo ayaa xagaagii hore Al-Hilal ka diiday dalab 125 Milyan oo pound mushaharkiisa sanadlaha ahi ahaa, markale ayuu kooxaha Saudi Arabia haatan xiiso ka helayaa. (Telegraph – subscription required)

Manchester United ayaa ka fikiraysa haddii ay Ronaldo suuqa January bedelkiisa rasmiga ah lasoo saxeexdaan iyo haddii ay bedel mudo gaaban ah amaah ku keenaan si lamid sidii Odion Ighalo ay ula saxeexdeen 2020. (Mail)

Manchester United mulkiilayaasheeda ayaa aaminsan in taageerayaasha tirada badan ee ay dunida ku leedahay kooxdoodu ay sababi karto in Bilyaneero Liverpool iibsan lahaa kooxdooda usoo weecdaan. (Times – subscription required)

Sir Jim Ratcliffe ayaa dalab ka gudbin doona Man United, Bilyaneerka British-ka ah ayaa hore August u sheegay inuu xiisaynayo iibka Red Devils walow uu bishii October ka laabtay isagoo sheegay inaysan kooxdu iib ahayn. (Telegraph – subscription required)

David Beckham ayaa diyaar u ah inuu wadahadalo la yeesho oo uu qayb ka qaato shaqsiyaadka damacsan iibka kooxdiisii hore ee Man United. (Financial Times – subscription required)

Manchester United ayaa doonaysa in garabka Bayer Leverkusen ee Moussa Diaby uu booska Anthony Martial ee kooxdooda qabsado. (Fichajes – in Spanish)

Arsenal iyo Chelsea ayaa xiisaynaya saxeexa Adrien Rabiot oo heshiiskiisa Juventus xagaaga dambe dhacayo, Tottenham ayaa sidoo kale kula biiri karta tartanka. (Calciomercato – in Italian)

Chelsea iyo Liverpool ayaa waayaya khadka dhexe ee RB Leipzig ee Konrad Laimer oo doonaya inuu Bayern Munich bilaash ugu biiro xagaaga dambe. (Bild, via Express)

Hakim Ziyech ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu Chelsea ka tagi karo suuqa January. (NOS, via Metro)

Leeds United ayaa AC Milan kala xidhiidhay arrimaha weeraryahanka Belgian-ka ah ee Charles de Ketelaere. (TeamTalk)

West Ham ayaa ku dhaw inay kooxaha Champions League ka ciyaaraya xagaaga dambe u weydo Declan Rice waxkasta oo ay xilli ciyaareedkan guul ahaan u gaadhaan. (Football Insider)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa doonayay saxeexa Declan Rice balse kooxda ayaa dooratay Aurelien Tchouameni. (El Nacional – in Catalan)

Marco Asensio ayaa sheegay inuu doonayo joogista Real Madrid walow heshiiskiisu xagaaga dambe dhacayo. (Radio Marca)

Barcelona ayaa u sheegtay Xavi inay saxeexyo cusub samayn karaan haddii ay ciyaartoy kooxda ka tagto suuqa January. (Marca – in Spanish)

Atletico Madrid ayaa doonaysa saxeexa weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram. (AS, via Mundo Deportivo – in Spanish)

Maalgaliyayaal ree Maraykan ah ayaa ku dhaw inay si buuxda ula waregaan Everton kaddib wadahadalo daaha dabadiisa mudo ka socday. (Football Insider)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*