Arsenal ayaa dalabkii koowaad oo 17 Milyan oo euro ah ka gudbisay daafaca midig ee Galatasaraay ee Sacha Boey balse laga soo diiday. (Nevzat Dindar)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay isku daydo saxeexa daafaca Barcelona ee Jules Kounde oo ay Barcelona 65 Milyan oo euro ku iibin karto. (Diario Sport)
Man City ayaa xiiso u muujinaysa khadka dhexe ee PSG ee Marco Verratti. (Le Parisien)
Liverpool iyo Man United ayaa indho indhaynaya goolhayaha kooxda New England ee Djordje Petrovic. (Nogo Mania)
Arsenal iyo Tottenham ayaa labaduba dhawaan indho indhaynayay daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen ee Edmond Tapsoba. (Fabrizio Romano)
Man City ayaa u sheegtay Gundogan inay heshiis dheer u bandhigayso halkii ay heshiis sanad ah markii hore siinaysay si ay meesha uga saarto xiisaha Barcelona. (Mundo Deportivo)
Unai Emery ayaa xiisaynaya in Aston Villa la saxeexato weeraryahanka Almeria ee Largie Ramazani. (Estadio Deportivo)
West Ham ayaa AC Milan kula biirtay tartanka weeraryahan Balogun oo amaah kaga maqan Arsenal. (Get Italian Football News)
Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah inay bixiso 60-ka Milyan ee lagu jabin karo heshiiska Ugarte kula joogo Sporting. (L’Equipe)
Liverpool ayaa si dhab ah ugu tartamaysa saxeexa khadka dhexe ee Sporting ee Manuel Ugarte. (Record)
Lucas Hernandez ayaa dalab ka helay PSG taas oo ku sababtay inuu hakiyo heshiis kordhintiisii Bayern Munich. (Sport1)
PSG ayaa sidoo kale Roma kula biirtay tartanka daafaca dhexe ee Ndicka oo uu dhacayo heshiiskiisa Eintracht Frankfurt. (Calciomercato)
Alessandro Bastoni ayaa dhawaan saxeexi doona heshiis kordhin ilaa 2028 ah oo uu Inter Milan u sameeyay. (Fabrizio Romano)
Inter ayaa sidoo kale meesha ka saartay suurogalnimada iibka Andre Onana ilaa ay helaan dalab waali ah oo aan la diidi karin. (Sky Sport Italia)
Genoa ayaa isha ku haysa garabka AS Roma ee Stephan El Shaarawy. (Il Secolo XIX)
Napoli ayaa Luis Enrique ka dhigtay bartilmaameedkeeda koowaad ee u bedelaya macalin Luciano Spalletti. (Corriere Dello Sport)
Napoli ayaa dhinaca kale fool ka fool ugula tartami doonta dhigeeda Lazio garabka weerar ee kooxda Sassuolo ee Domenico Berardi. (Calciomercato)
Be the first to comment