Bayern Iyo Chelsea Ayaa Xiisaynaya, Isagu Wuxuu Doonayaa Inuu Barcelona Sii Joogo Balse Xavi Ayaa Bixitaan Ku Riixaya

Waxa la tilmaamay mid kamida xiddigaha kooxda Barcelona kaas oo isagu shaqsiyan doonaya inuu sii joogo kooxda balse uu macalin Xavi Hernandez rabo in laga fasaxo gegida Camp Nou.

Xiddigaas ayaa ah da’yarka daafaca midig ee ree Maraykan ee Sergino Dest, walow uu xiiso ka helayo Bayern Munich iyo Chelsea haddana Dest ayaa ah mid ay ka go’antahay inuu ku guuleysto sidii uu booskiisa shaxda Xavi ku dhacsan lahaa.

Dest ayaa ahaa mid aysan caawin dhaawacyada iyo caabuqa Korona Fayras kuwaas oo ku sababay inuu ka maqnaado kulamo badan oo mudada uu Xavi joogay ah.

Intaas waxa dheer in Xavi uusan u muuqan mid xiddigii hore ee Ajax boos u haya walow uu 21 sano jirkaasi isagu qabo doonista ah inuu ku najaxo kooxda.

Dalab 25 Milyan oo euro ahaa oo ay Bayern ka gudbisay Dest ayay Barcelona soo diiday walow ay xaalad dhaqaale oo adag ku jirto balse waxa jirta suurogalnimo Dest qudhiisu ku diiday inuu baxo.

Dest ayaan tan iyo 4-tii bishii December wax kulamo ah kasoo muuqan Barcelona isaga oo kaliya 16 jeer soo ciyaaray xilli ciyaareedkan balse Dest ayaa wali aaminsan inuu wax kusoo kordhin karo kooxda.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*