Shaxda Layaabka Leh Ee Laga Sameeyey Xiddigaha Ka Hadhay Tartanka Champions League

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya koox laga sameeyey xiddigaha waaweyn ee wareegga 16ka kaga hadhay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.

Afar kooxood ayaa u gudbay wareegga siddeedda, afarna waxay macasalaameeyeen tartanka, halka usbuuca dambena ay afar kooxood oo kale ku biiri doonaan dhinac walba.

Labada xiddig ee 11ka jeer  ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ee  Ronaldo iyo Messi ayaa laba habeen oo isku xiga ay kooxahooda Barcelona iyo Juventus ka hadheen tartanka Champions League, waxaanay noqotay markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2004-05 ee labadan laacib laga waayo wareegga siddeedda.

Lionel Messi ayay kooxdiisu barbarro 1-1 ah la gashay PSG Arbacadii, waxaana markii la isku geeyey labadii lugood ee labada garoon ay 4-1 guushu ku raacday kooxda reer France iyadoo Kylian Mbappe uu afar ka mid ah shanta gool ee kooxdiisa uu dhaliyey.

Ronaldo ayaa sidoo kale ay kooxdiisu 3-2 ku badisay Salaasadii iyadoo joogta Allianz Arena, laakiin ciyaartii hore ayaa lagaga badiyey 2-1, waxaana natiijada guud ay noqotay 4-4 iyadoo farqiga goolasha bannaanka ay kooxda reer Portugal kusoo baxday.

Waxa kale oo liiskan kula soo biiray xiddiga Manchester United ee Marcus Rashford oo kooxdiisu ay wareeggii hormooyinka kaga hadhay tartanka, hase yeeshee waxay kooxdiisu qayb ka tahay Europa League oo ay marxaladda 16ka taagan yihiin.

Bruno Fernandes iyo Aaron Ramsey ayaa iyaguna kusoo baxay shaxda laga sameeyey kooxaha ka hadhay UCL, waxaana soo raacay laabada ciyaartoy ee isku kooxda ah ee Sergio Busquets iyo Jordi Alba.

Cuadrado, Kounde, Apamecano iyo Ter Stegen ayaa dhamaystiray kooxdan.

Halkan kaga bogo shaxda kooxda:

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*