Manchester United Oo Waqtigii Dhimashada Lagu Qabtay Barbarro & Wacdarihii AC Milan Ee Kulamada Waaweyn Oo Taagan

Manchester United ayaa barbarro la gashay AC Milan iyadoo joogta garoonkeeda Old Trafford, lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Europa League.

Kulankan ay labada koooxood ee waaweyni isku haleeleen ayaa laba jeer tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey laga naxsaday Manchester United, waxaana AC Milan ay heshay laba gool oo midka hore lagu diiday offside iyo mid kale oo VAR laga soo daawaday kaddibna meesha laga saaray.

Qaybtii hore ayay labada kooxood ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah, hase yeeshee da’yarka ay United lasoo saxeexatay bishii January ee Amad Diallo oo beddelay Anthony Martial oo dhaawac lagu saaray waqtigii nasashada, ayaa gool madax ugu dhaliyey Manchester United.

AC Milan ayaa waqtigii dhimashada madax ku dhalisay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Thorup Kjær.

Milan ayaa fursado badan iska khasaarisay qaybtii dambe, halka Manchester United uu gool caddaan ah ka khasaariyey Harry Maguire qaybtii hore iyadoo uu kubaddu birta kaga dhacday.

Lugta labaad ee labada kooxood ayaa Khamiista toddobaadka dambe waxay ka dhici doontaa garoonka San Siro ee magaalada Milan, halkaas oo naadiga guuleysta uu iska xaadirin doono wareegga siddeedda, hase yeeshee Milan ayaa soo bixi doonta haddii ay barbarro goolal la’aan ah ku dhamaystaan, halka Manchester United ay barbarro ka badan 1-1 kusoo gudbi doonto.

Shaxdii labada kooxood

MILAN (4-2-3-1): Gianluigi Donnarumma; Davide Calabria, Simon Kjaer, Fikayo Tomori, Diogo Dalot; Soualiho Meite, Franck Kessie; Alexis Saelemaekers, Brahim Diaz, Rade Krunic; Rafael Leao.

Kaydka: Ciprian Tatarusanu, Samu Castillejo, Sandro Tonali, Pierre Kalulu Kyatengwa, Riccardo Tonin, Matteo Gabbia, Antonio Donnarumma.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Eric Bailly, Harry Maguire, Alex Telles; Scott McTominay, Nemanja Matic; Daniel James, Bruno Fernandes, Anthony Martial; Mason Greenwood.

Kaydka: Victor Lindelof, Lee Grant, Fred, Amad Diallo, Luke Shaw, Nathan Bishop, Brandon Williams, Axel Tuanzebe, Shola Shoretire.

Manchester United ayaa lagaga naxsaday gool degdeg ah oo daqiiqaddii shanaad uu AC Milan u dhaliyey Rafael Leao oo kubbad uu ka helay Kjaer, kuna hubsaday shabaqa. Laakiin marka uu goolkani dhalanayey, waxa taagnaa calanka oo muujinayay inuu ku jiro offside.

Alex Telles ayaa kaga jawaabay kubbad uu ka keenay dhinaca bidix, taas oo uu helay Martial oo isaguna ku qabtay Fooli, hase yeeshee waxa ku dedaalay Donnarumma sidii uu u joojin lahaa.

Daqiiqaddii 11aad ayay mar kale AC Milan soo taabatay shabaqa Manchester United, waxaana kubbad u dhaliyey xoog badan goolhaye Henderson dhaafiyey Kessie. Garsooraha ayaa ansixiyey goolkan hase yeeshee VAR ayaa meesha ka saartay kaddib markii ay xaqiijisay in laacibkani uu gacanta ku taabtay kubadda ka hor intii aanu goolka dhalin.

Harry Maguire ayaa fursad dahabi ah ka khasaariyey Manchester United daqiiqaddii 38aad, waxaana kubbad cidlo ah oo uu goolka hortiisa ka helay uu ku dhuftay birta, waxaanu u qaadan waayay waxa dhacay, iyadoo uu dhexda qabsaday. Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay goolal la’aan

Manchester United ayaa beddel degdeg ah samaysay markii lagu soo noqday qaybta labaad, waxaana lasoo raaciyey Amad Diallo iyadoo dhaawac lagu saaray Anthony Martial.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Amad Diallo ayaa taariikhda isku qoray, waxa uu United u dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey kaddib saddex ciyaarood oo uu u saftay iyo isagoo shan daqiiqadood oo kaliya ay ku qaadatay inuu kooxdiisa hoggaanka ugu dhiibo kulankan weyn.

Kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Bruno Fernandes ayuu Diallo madax ku dhaafiyey Donnarumma, waxaana kusoo xoomay ciyaartoyda kooxdiisa, isagoo da’yarkanina soo bandhigay calanka waddankiisa Ivory Coast oo uu gacanta kusoo xidhay.

AC Milan ayaa qaybtii dambe awood xad-dhaaf ah la timid, waxaanay sameeyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Man United 1-1 AC Milan – Thorup Kjær ayaa daqiiqaddii madax ku dhaliyey kubbad koorne ahayd oo uu dhinaca bidix kasoo qaaday Krunić, waxaana uu goolhaye Henderson u diiday in uu kubadda joojiyo.

Goolkan ayaa dhashay daqiiqaddii labaad ee saddex daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta kaddib markii ay dhamaadeen 90kii daqiiqadood.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*