“Caddaalad Ma Jirto Kubadda Cagta” – Arsenal Oo Ka Cadhootay Garsoore Michael Olivier


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka cadhooday in garsooruhu uu la saaray oo aanu casaan siinin xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Mateo Kovacic oo buugga naxariista loo baadhay laba jeer oo uu sameeyey qaladaad xun-xun.

Kovacic ayaa weyn ku galay Martin Odegaard qaybtii hore, waxaana uu garsoore Michael Olivier siiyey huruud balse VAR ayaa soo dhax-gashay oo waqti qaadatay si ay u hubiso in uu u qalmayo casaan toos ah, iyadoo ugu dakbayntiina ay garsooreyaashu ku qanci waayeen in casaan la siiyo.

Xiddiga reer Croatia ayaa sameeyey doqoniimo kale oo aan loo baahnayn, waxaana uu daqiiqado kooban kaddib qalad kale ku galay Declan Rice, taas oo keentay in ciyaartoyda Arsenal iyo tababare Mikel Arteta ay gadoodaan oo ay dalbadaan in la siiyo kaadhkii labaad ee ciyaarta.

Michael Olivier ayaa go’aamiyey in uu ka daayo kaadhka labaad oo muran la’aan noqon lahaa, sababtoo ah waxa uu si toos ah lugtiisa kuraanta ugaga harraatiyey Declan Rice.

Taageereyaasha Arsenal ayaa garsoore Michael Olivier ku eedeeyey caddaalad-darro iyo in aanu qaadanin go’aankii saxda ahaa oo uu ka eexday naadigooda.

Baraha bulshada, gaar ahaan X oo hore loo odhan jiray Twitter, ayaa ay falcelintooda kusoo bandhigeen jamaahiirta Arsenal.

“Sidee ayaan Mateo Kovacic loo siinin kaadh casaan aisaga oo waxaa sameeyey?” Waxa sidaa soo qoray mid ka mid taageereyaasha Arsenal.

Taageere kale ayaa yidhi: “Kovacic waxa uu galay qalad noqonayay kaadh kale, walina garoonka ayuu kusii jiraa. Caddaalad ma jirto kubadda cagta.”

Mid saddexaad ayaa isaguna soo qoray: “Sidee ayay ku dhici kartaa dunida guudkeeda in casaan toos ah la siin waayo Kovacic, amaba kaadhkii labaad oo huruud ah uu ugu qaadan waayay qaladkiisii labaad?”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*