Xabi Alonso Oo Warka U Caddeeyey Real Madrid Oo Doonaysa In Uu U Beddelo Carlo Ancelotti


Xabi Alonso ayaa warka u caddeeyey Real Madrid oo u sheegay kooxda uu doonayo in uu tababare u noqdo ee riyadiisa ah, xilli ay suuqa ku jiraan warar sheegaya in Florentino Perez uu u doortay inuu beddelo Carlo Ancelotti.

October 2022 ayaa Alonso loo magacaabay tababaraha Bayer Leverkusen oo uu ka beddelay Gerardo Seoane oo la eryey waqtigaas, waxaana uu markiiba kor usoo qaaday kooxda oo ku jirtay kaalinta labaad ee sagxadda hoose.

Siddeed ciyaarood oo uu hoggaamiyey xilli-ciyaareedkii tegay, ayaa waxa uu ku keenay heer ay kasoo qayb-gasho tartanka Europa League ama kaalinta lixaad ee Bundeslia halka tartanka Europa League ay isla xilli-ciyaareedkiisii koowaad yimaaddaan afar dhamaadka.

Real Madrid ayaa si aad ah ugu faraxsan shaqada uu qabanayo Xabi Alonso oo ay u arkaan in uu korodhsanayo khibraddii uu ku maamuli lahaa Santiago Bernabeu, hase yeeshee Alonso ayaa isaguna horeba warkiisa u caddeeyey.

Alonso oo la hadlayay talkSPORT mar sii horreysay ayaa waxa uu sheegay in kooxda uu ku riyoonayo inuu mustaqbalka tababaraha u noqdo ay tahay Liverpool, waxaanu yidhi: “Haa, waa xaqiiqo. Waxa aan ku riyoonayaa in aan tababare u noqdo Liverpool, waanan caddeeyey taas dariiqeedana waan hayaa.

“Haddii aan go’aansado in aan ka tago Leverkusen, xidhiidhkayga, hadafkayga iyo jacaylkayguba wuxuu yaallaa Liverpool.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*