Xiddigii Ciyaarta Oo Loo Diiday Hojlund & Onana, Labadii Ugu Liitay Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaarrtoyda Kulankii Aston Villa vs Man United


Gool uu waqti dambe dhaliyey Scott McTominay ayaa Manchester United ku goggaamiyey guushii ugu horreysay ee ay garoon dibedda ah kaga soo gaadhaan sagaalka kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premeir League intii uu tababare Erik ten Hag maamulayey, waxaanay 2-1 kaga soo adkaadeen Aston Villa.

Manchester United ayaa waxa ay guushani dib ugu furtay loollanka ay ugu jiraan inay ka mid noqdaan afarta sare oo hadda lix dhibcood u jirta.

Red Devils oo ku jirta qaab fiican ayaa guusha ay kusoo gaadhay Villa Park u qalmaysay, iyadoo Rasmus Hojlund uu dhaliyey goolkiisii shanaad ee horyaalka Premier League oo uu xagaagii kaga soo biiray kooxda horyaalka Talyaaniga ee Atalanta.

Villa oo ahayd kooxda fursadaha badan ayaa waxa halgan la galay goolhaye Andre Onana oo sababtiisa darteed ay maanta ku badbaadday kooxdiisu, waxaana uu sameeyey afar badbaadinood oo cajiib ahaa oo laba ka mid ah uu kubbado halis ah ka qabtay Ollie Watkins.

Labadii ugu liitay ciyaarta

Aston Villa waxa ay u dhowaan lahayd guusha haddii uu Watkins ka faa’iidayn lahaa fursadaha uu helay, amaba uu u ciyaarayo sidii hore looga bartay, waxaana uu ka mid noqday labadii ugu liitay garoonka. Waxa liidashada ku wehelinayey Kamara oo waqti hore qaatay kaadh.

Xiddigii garoonka ee loo diiday Rasmus Hojlund iyo Andre Onana

Labada ciyaartoy ee ugu bandhigga fiicnaa Manchester United waxay ahaayeen Andre Onana oo sameeyey afar badbaadinood oo cajiib ahaa iyo Rasmus Hojlund oo goolka koowaad dhaliyey, sidoo kalena dhibaato badan ku hayay difaaca Aston Villa.

Telefishanka Sky Sports ee ciyaarta baahiyey ayaa xiddiga ciyaarta u doortay Harry Maguire oo ka ciyaarayay difaaca dhexe, kaas oo sameeyey fursadda goolka koowaad.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Aston Villa: Martinez (6); Cash (7), Carlos (6), Lenglet (6), Moreno (7); Luiz (7), Kamara (5); McGinn (6), Ramsey (7); Bailey (7), Watkins (5)

Beddelka: Diaby (7), Tielemans (6), Zaniolo (n/a), Digne (n/a)

Man United: Onana (8); Dalot (7), Maguire (8), Varane (7), Shaw (6); Casemiro (6), Mainoo (6), Fernandes (7); Garnacho (7), Hojlund (7), Rashford (7)

Beddelka: Lindelof (5), McTominay (7), Amrabat (n/a), Evans (n/a)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*