Dhaliyaha Man City Ee Kusii Jeeda PSG, Man United Oo Heshay Weeraryahan, Arsenal & Chelsea Oo Laga Hor-qaadayo Ivan Toney, Xiddiga Ay Liverpool La Saxeexanayso Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Tartankii loogu jiray weeraryahanka England ee Ivan Toney ayaa waji kale yeeshay, waxaana laga hor-qaadayaa Arsenal iyo Chelsea oo hore ugu loollamayey. Manchester united ayaa si lama filaan ah usoo gashay tartanka laacibkan oo diyaar u noqonaysa inay bixiso £80 milyan oo Gini. (Teamtalk)

Khadka dhexe ee reer Argentine ee Enzo Fernandez oo 23 jir ah ayaa xaqiijiyey in aanu doonayn inuu ka tago kooxdiisa Chelsea inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu nacay Stamford Bridge. (AS)

Brentford ayaa sidoo kale xiisaynaysa in ay la saxeexato Christian Eriksen xagaaga soo socda. (Metro)

Liverpool ayaa si dhow ula socota difaaca bidix ee xulka qaranka Maraykanka iyo kooxda Fulham ee Antonee Robinson oo 26 jir ah, waxaanay doonayaan in ay xagaaga u dhaqaaqaan iibkiisa. (Football Insider)

Brighton waxay qarka u saaran tahay saxeexa 19 jirka reer Ghana ee garabka uga ciyaara kooxda Nordsjaelland ee Ibrahima Osman, waxaanay dul-dhigeen £17 milyan oo Gini, iyagoo saxeexiisa ku garaacaya West Ham. (Standard)

Paris Saint-Germain waxay doonaysaa weeraryahanka Manhester United ee Chloe Kelly oo ah 26 jirka hoggaamisa weerarka kooxda haweenka City, waxaanay PSG ka dhigi doontaa gabadha ugu mushaharka badan kubadda cagta Yurub. (Mail)

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo 36 jir ah, ayaa iskaga baxay garoonka tababarka kooxdiisa Al-Ittihad kaddib markii uu tababare Marcelo Gallardo ku amray inuu sameeyo jimicsiyo gaar ah. (Marca)

Kylian Mbappe waxa uu iclaamiyey saddex shuruudood oo dhinaca lacagta ah oo uu ku xidhay kooxda uu u wareegayo, waxaana ku jirta in la siiyo mushahar ah £42.6 milyan oo Gini sannadkii. (Cadena Ser)

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*