TOP 10: Tobanka Kooxood Ee Ugu Liita Suuqa Iibka Ciyaartoyda Oo Lasoo Bandhigay – Arsenal & Man United Oo Ka Mid Noqday LIXDA Premeir League Ee Ku Jira Liiskan


Arsenal iyo Manchester United ayaa hoggaanka u haya kooxaha khasaaraha badan kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda, iyadoo tobanka sare ay lix ka mid ah noqdeen naadiyada horyaalka Premier League.

Shabakadda xogta iyo qiimaynta suuqa ee CIES Football Observatory, ayaa soo bandhigtay toban kooxood oo khasaare weyn uu kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda intii u dhaxaysay 2014 illaa 2023, kuwaas oo lacagihii ugu badnaa ku kharash gareeyey ciyaartooyo cusub, isla markaana waxyar oo aan la tilmaami karin ka helay ciyaartoydii ay iyagu iibiyeen.

Kala-goynta lacagta ay kooxdu kharash garaysay iyo lacagta ay ka heshay ciyaartoyda ay iibisay, ayaa waxa ay muujiyeen toban naadi oo ay hoggaanka u hayso Barcelona oo si xisaab la’aan ah ciyaartooyo cusub ugu bixisay lacago tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Barcelona ayaa waxa ay lacag ka badan £1 bilyan oo Gini ku kharash garaysay ciyaartooyo ay ka mid ahaayeen Philippe Coutinho, Ousmane Dembele iyo Atoine Grieizmann oo saddexduba fashilmay, iyadoo isugeynta lacagta ay Barcelona kasoo  bixisay ahayd £330 milyan oo Gini, halka markii ay iibiyeenna ay kaliya ka heleen £77 milyan oo Gini.

Barca waxa ay ciyaartooyo ay iibisay kasoo xaraysay £524 milyan oo Gini, halka ay in ka badan £1 bilyan oo Gini ku kharash gareeyeen ciyaartooyo ay soo iibsadeen, waxaana marka la kala jaro ay Barcelona khasaare ku jirtaa £540 milyan oo Gini.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta labaad oo in ka badan £1 bilyan oo Gini kharash garaysay muddadii koobnayd ee uu joogay Todd Boehly oo Stamford Bridge keenay ciyaartooyo ay ka mid ahaayeen Enzo Fernandez, Moises Caicedo iyo Romelu Lukaku oo isaga ay kasoo bixiyeen £95 milyan oo Gini, waxaana ay kooxdani ku jirtaa khasaare ah £413 milyan oo Gini tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waana marka la kala gooyo ciyaartoydii ay kooxdu iibisay iyo kuwii ay soo iibsatay.

Arsenal oo saddexaad fadhida, waxa ay khasaare u diiwaangelisay Nicolas Pepe oo ahaa ciyaartoyga la degay, kaas oo 112 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 27 gool oo kaliya ka hor intii aanu bishii September si bilaash ah ugu wareegin kooxda reer Turkey ee Trabzonspor.

Khasaaraha ay Arsenal gashay ayaa ah £373 milyan oo Gini, waxaanay waxyar ka sarreeyaan PSG oo khasaaraha ay ku jirtaa noqonayo £350 milyan oo Gini, waxaana xiddigaha miisaaniyaddooda dhulka geliyey ka mid ah Neymar oo sannadkii 2017 ay £198 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Barcelona, halka xagaagii ay £77 milyan oo Gini kaga iibiyeen Al-Hilal.

Manchester United ayaa shanta sare ee kooxaha khasaaraha badan ku jira ka galay, waxaana xiddigaha ku suntan ee ay ku hanti-beeleen balse aan wixii ay ka sugayeen aanay ka helin ka mid ah Antony oo ay £85 milyan oo Gini kasoo bixiyeen xagaagii sannadkii hore, iyadoo xiddigaha xisaabtooda liiciyey uu ku jiro Paul Pogba oo sannadkii 2016 ay £90 milyan oo Gini kusoo iibsadeen uu si xor ah uga tegay sannadkii 2022.

Halkan kaga bogo 10ka kooxood ee khasaaraha ugu badan uu kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*