Man United, Brentford Iyo Kulamada Kale Ee Uu Heung-Min Son Ka Maqnaanayo Tottenham


Heung-min Son waa kabtanka xulka qaranka South Korea ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Asia ee ka socda waddanka Qatar, waxaana uu in muddo ah ka maqnaanayaa kooxdiisa Tottenham oo uu iyagana kabtan u yahay.

Son oo xilli-ciyaareedkan bandhig fiican ku jira isla markaana 20 ciyaarood oo uu saftay u dhaliyey Tottenham 12 gool iyo shan uu caawiye ka noqday, ayaa waxa uu ka maqnaanayaa kulamo adag oo uu tababare Ange Postecoglou la dhibaatoon doono sidii uu beddelkiisa u heli lahaa.

Tartanka qaramada Asia oo soo bilowday 12kii January, ayaa socon doona illaa bisha dambe ee February oo labada usbuuc ee hore ay dheeli doonaan dalalka usoo baxa kulamada ugu dambeeya.

Heung-min Son ayaa waxa uu ka maqnaan doonaa ciyaarta kooxdiisa Tottenham ee Manchester United, laakiin isugeyn waxa u diiwaangashanaan doona lix kulan haddii uu dalkiisu tago finalka.

Son ayaa waxa uu hore uga maqnaaday ciyaartii Burnley ee wareegga saddexaad ee FA Cup iyo Manchester United oo ay barbarro 2-2 ah la galeen.

Waxa kale oo uu ka maqnaand doonaa ciyaarta Manchester City ee wareegga saddexaad ee FA Cup, Brentford iyo Everton oo horyaalka Premier League ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*