Lacagta Magdhowga Ah Ee Jose Mourinho Uu Ka Doonayo AS Roma Oo Shaqada Ka Eriday


Jose Mourinho oo maanta ay shaqada ka caydhisay AS Roma ayaa dalbanaya lacag magdhow ah oo malaayiin Euro ah, taas oo ay kooxda ka dhisan caasimadda Talyaanigu ku qasban tahay inay u shubto macallinka reer Portugal.

Subaxnimadii Salaasada ayaa lagu waabariistay war-saxaafadeed ay Roma soo saartay oo ay shaqada kaga eriday Jose Mourinho, kaas oo laba saacadood kaddib markii la eryey iska xaadiriyey garoonka tababarka isaga oo ooyaya, sida ay warbaahinta Talyaanigu sheegtay.

AS Roma ayaa beddelka Mourinho u magacowday xiddigeedii hore ee khadka dhexe ee Daniele De Rossi, oo la wareegi doona kooxdan oo kaalinta sagaalaad kaga jirta horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, isla markaana shan dhibcood ka hoosaysa kooxda kaalinta afraad.

Mourinho oo sannadkii 2022 u qaaday Roma koobka UEFA Europa Conference League, ayaa waxa qandaraaskiisa Roma ka hadhsanaa lix bilood oo kaliya, hase yeeshee waxa uu dalbanayaa lacag magdhow ah oo waalli ah.

Waa markii lixaad ee Jose Mourinho shaqada laga caydhiyo isaga oo aan dhamaysanin muddo xileedkiisa, waxaana uu shantii jeer ee hore soo qaatay lacago badan oo magdhow ahaa.

Markii koowaad ee la eryo waxay ahayd Chelsea oo isaga oo u qaaday laba horyaal oo Premier League ah uu mulkiilihii hore ee Blues ee Roman Abramovich uu eryay, waxaana waqtigaas uu magdhow u qaatay £18 milyan oo Gini.

Kaddib markii uu Inter Milan kula guuleystay horyaalka Serie A, Champions League iyo Copa Italia sannadkii 2010, waxa uu markiiba u guuray Real Madrid oo muddo uu joogay kaddib uu Florentino Perez shaqada ka caydhiyey balse waxa uu Madrid magdhow uga qaatay £17 milyan oo Gini.

Mourinho ayaa mar kale dib ugu soo laabtay Chelsea oo uu u qaaday Premier League xilli-ciyaareedkii 2014/15, balse haddana waa laga eryey isaga oo magdhow uga qaatay £12.5 milyan oo Gini.

Chelsea oo kaliya ayaa magdhowga uu labadii jeer ee ay eriday uu ka qaatay £30.5 milyan oo Gini.

Shaqadii xigtay ee uu qabtay waxay ahayd Manchester United oo uu sannadkii 2017 u qaaday Europa League kaddib muddo ay ka qatanaayeen koobabka, balse xilli-ciyaareedkiisii saddexaad ayaa la eryey iyadoo magdhow uu u qaatay £17 milyan oo Gini.

Saddex sannadood kaddib ayuu £18 milyan oo Gini ka qaatay guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy oo shaqada ka caydhiyey 17 bilood oo kaliya markii uu laylinayay Spurs.

Ugu dambayntii, Jose Mourinho ayaa ay AS Roma siin doontaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa £3 milyan oo Gini oo ah mushaharkii uu qaadan lahaa muddada ka hadhsanayd qandaraaskiisa.

Marka la isku geeyo, Jose Mourinho waxa uu magdhow u qaatay £85 milyan oo Gini oo uu ka urursaday kooxihii shaqada ka caydhiyey ee Chelsea, Real Madrid, Manchester United, Tottenham iyo AS Roma.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*