Sababtii Ay AS Roma U Eriday Jose Mourinho, Oohintii Ka Dhacday Saaka Iyo Sidii Ciyaartoyda Lagu Ogeysiyey


AS Roma waxay maanta shaqada ka caydhisay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo laba sannadood iyo badh laylinayay naadigaas, isaga oo u qaaday koobkii ugu horreeyey ee muddo ka badan 14 sannadood ee ay ku guuleysato kooxda ka dhisan caasimadda Talyaanigu.

Tababarahan hore ee Chelsea, Manchester United, Tottenham, Inter Milan, Real Madrid iyo FC Porto ayaa waxa 138 ciyaarood oo uu layliyey AS Roma waxa uu guuleystay 60 ka mid ah, 30 barbarro ah iyo 40 laga badiyey.

Rikoodh ahaan, waxa ciyaar walba ay soo hooyeen 1.7 dhibcood, halka ay lumiyeen 1.45 dhibcood, taas oo ka dhigan in guul kasta oo uu usoo hooyey AS Roma uu ku qaatay €3.5 milyan oo Gini marka laga eego mushaharkii uu qaatay muddadii uu kooxdan joogay.

60 jirkan ayaa sida ay warbaahintu sheegtay, waxa markii saaka loo sheegay in shaqada laga caydhyey waxa uu xajisan waayey ilmada, isaga oo garoonka tababarkana AS Roma ee Trigoria soo gaadhay saacad kaddib markii uu soo baxay warka shaqo ka caydhintu.

Waxa Jose Mourinho wehelinayay markii uu yimid garoonka tababarka ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Salvatore Foti, kaas oo saxaafadda u sheegay in Mourinho uu ku dhowaado inuu ooyo.

Mulkiileyaasha AS Roma ee Dan iyo Ryan Friedkin ayaa qaatay go’aanka shaqo ka caydhinta, waxaana waddanka Talyaaniga safar ku tegay Ryan Friedkin oo kasoo duulay Maraykanka si uu kooxda uga diro Jose Mourinho.

Ka sokow natiijooyinka aan fiicnayn, Ryan Friedkin ayaa waxa uu khaati ka istaagay dagaalka uu Jose Mourinho kula jiro warbaahinta, kaadhadhka casaanka ah ee tiro beelka noqday oo uu xataa ka badsaday ciyaartoyda kooxdiisa, iyo jamaahiirta kooxda oo ugu dambayntii u muuqda inay ka niyad-jabeen tababarahan reer Portugal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*