Waa adduunyo iyo xaalkeed eh, waxa la sheegay in uu musalafay oo aanu wax hanti ah haysanin xiddig ay taageereyaasha xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ku raaxaysan jireen muddo dheer, kaas oo sidoo kale usoo ciyaaray kooxda Leicester City ee hadda u dhacday heerka labaad.
Afar sannadood oo uu ka ciyaaray Anfield, waxa uu kula guuleystay lix koob isaga oo 223 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 60 gool, waxaana uu waqtigaas ahaa mid ka mid ah weeraryahannada farta lagu fiiqo.
Ciyaartoyga ay noloshu ku xumaatay ee hadda ku biiray liiska dadka foqorada ah, waa weeraryahankii reer England ee Emile Heskey oo sannadihii 2000-nadii wacdaro ka dhigi jiray garoonka Anfield.
Ka hor intii aanu tegin Liverpool, waxa uu ciyaartiisa kusoo dhisay Leicester City isaga oo markii uu Anfield ka degayna lagu tilmaamay mid ka mid ah weeraryahannada isku-hallaynta ugu badan lagu qabo horyaalka Premier League.
Xulka qaranka England ayuu u saftay 62 ciyaarood oo uu u dhaliyey toddoba gool, isaga oo kala qaybgalay afar tartan oo waaweyn.
Sannadkii 2016 ayuu ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha isaga oo waqtigaas u ciyaarayay Aston Villa, balse waxa uu sidoo kale usoo dheelay kooxda reer Australia ee Newcastle Jets iyo Boldon Wanderers oo hadda heerka labaad ee Ingiriiska ka ciyaarta, balse ahayd kooxdii uu wacdaraha ka dhigi jiray Jay Jay Okocha.
Markii uu ciyaaraha ka fadhiistay waxa Emile Heskey uu noqday tababare, waxaana uu layliyey kooxda haweenka ee Leicester City Women, isaga oo saddex sannadood oo uu joogay xilal kala duwan kasoo qabtay.
Waa adduunyo iyo xaalkeed eh, halyeygan reer England ayaa waxa maxkamadda sare ee UK ay u diiwaangelisay inuu musalafay oo aanu wax lacag ah haysanin, waxaana faylkiisa loo gdubiyey waaxda HMRC, balse illaa hadda faahfaahin badan lagama hayo sababta kentay in Emile Heskey loo diiwaangeliyo inuu musalafay.
Emile Heskey iyo xaaskiisa oo samaystay shirkad dhinaca jilliinka filimada ah ayaa waxa sannadkii hore lagu soo ooga dacwad ah in aanay iska bixin deymo lagu lahaa, sidoo kalena waxa loo qabsaday canshuur gaadhaysa £1.6 bilyan oo Gini.
Shirkaddan filimada oo lagu magacaabo Ingenious Media, waxa ay soo saartay in ka badan 60 filim, laakiin ugu dambayntii waxa hadda Heskey loo diiwaangeliyey inuu musalafay oo uu ku biiray liiska dadka foqorada ah ee ay dawladdu ka kabayso nolosha.
Marka loo eego ciyaartoy hantiile ahaa oo mushaharooyinka ugu badan waqtigiisii ka qaadan jiray kubadda cagta, waxa xaaladda uu hadda galay ay ula mid tahay inuu yahay ‘derbi-jiif’, waxaana u dheer walaac adduunyo maadaama aanu ahayn qof Muslim ah oo ku sabraya waxa ay noloshu ula timaaddo.
Be the first to comment