LIX Weeraryahan Oo Ka Wanaagsanaa Robert Lewandowski Oo Ay Barcelona La Saxeexan Karaysay


Kooxda kubadda cagta Barcelona waxa ay samaysay khamaar markii ay sannad iyo badh ka hor la saxeexatay weeraryaanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo ay kasoo bixisay lacag ka badan 40 milyan oo Euro oo ay kala soo wareegtay Bayern Munich.

Robert Lewandowski ayaa xilli-ciyaareedkiisii koowaad waxa uu Barcelona kula guuleystay horyaalka LaLiga iyo tartanka Spanish Super Cup, laakiin xilli-ciyaareedkan ayuu ku jiraa xaalad adag oo aan wali soo marin.

Duruufaha adag ee dhaqaale ee ku habsaday Barcelona ayaa uu kusoo beegmay, balse waxa isaga u dheer in xilli-ciyaareedkan ay iskugu darsameen dhaawacyo, dhalinta oo ku adkaatay iyo qaab-ciyaareedkiisa kale ee gudaha garoonka oo aad u liita.

35 jirkan oo ay muuqato inay saamayn ku yeelatay da’du, waxa uu dhamaadka sannadkan noqon doonaa 36 jir, waxaana falanqeeyeyaasha ciyaaruhu ay tilmaamayaan in Barcelona ay khamaartay markii ay la saxeexatay.

Barcelona oo toddoba dhibcood ka dambaysa kooxaha horyaalka LaLiga hoggaaminaya ee Real Madrid iyo Girona, ayaa waxa ay bishan January lasoo wareegtay weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque oo ay rajaynayaan in uu ka furan doono culayska dhalin la’aanta ah ee ku timid markii uu qaabkiisii fiicnaa lumiyey Robert Lewandowski.

Inkasta oo aanay duruufaha dhaqaale u saamaxaynin in Barcelona ay la saxeexato ciyaartoyda sida Kylian Mbappe, Erling Haaland, Victor Osimhem ama Harry Kane, haddana waxa la magacaabay lix weeraryahan oo kale oo ay lasoo wareegi karaysay waqtigii ay la saxeexanaysay Robert Lewandowski, kuwaas oo aan qiime ahaan ka badnaadeen inta ay kasoo bixisay Lewandowski.

Lixda weeraryahan ee la magacaabay ayaa kala ah Gabriel Jesus, Julian Alvarez, Lautaro Martinez, Alexander Isak, Robert Firmino iyo Jonathan David.

Qaar ka mid ah ciyaartoydan waxa ay ka tageen kooxahoodii,  tusaale ahaan Jesus waxa uu u wareegay Arsenal isla waqtigii ay Barcelona la saxeexanaysay Lewandowski, sidoo kalena Julian Alvarez waxa ay Man City la saxeexatay isla waqtigaas isaga oo qiime hoose ku kacay, halka Lautaro Martinez uu wali ku sugan yahay Inter Milan.

Alexander Isak waxa xagaagii hore la saxeexatay Newcastle United, iyadoo Roberto Firmino uu si xor ah ugu wareegay horyaalka Sucuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*