Khadka dhexe ee England ee Jordan Henderson ayaa dalab lama filaan ah ka helay kooxda reer Netherlands ee Ajax, iyadoo 33 jirkan la sheegayo inuu ka tegayo kooxda Al-Ettifaq ee mushaharka waallida ah uu ka qaato, laakiin waxay Ajax tartan kala kulmaysaa kooxaha horyaalka Premier League iyo Bundesliga. (ESPN)
Al-Ettifaq ayaase ku adkaysanaysa, in bishan January aanay iibin doonin Jordan Henderson, sidoo kalena aanay ogolaanayn inay amaah ku bixiso. (Talksport)
Bayern Munich waxay dalab waqti dambe ah ka gudbisay difaaca kooxda Genoa iyo xulka Romania ee Radu Dragusin oo 21 jir ah, laakiin Tottenham oo kaga gacan horreysay ayaa ka hor qaadday. (Sky Sports)
Khadka dhexe ee reer Serbia ee Nemanja Matic ayaan ku faraxsanayn kooxdiisa Rennes, waxaanu doonayaa inuu dib ugu laabto horyaalka Premier League. (L’Equipe)
PSG waxay ka shaqaynaysaa sidii ay heshiis ula gaadhi lahayd khadka dhexe ee Bayern Munich ee Joshua Kimmich oo qandaraaskiisa Allianaz Arena uu sannad ka hadhsan yahay, laakiin waxa kula tartamaya kooxo horyaalka Premier League ah, sida Liverpool iyo Manchester United. (Sky Sports)
Newcastle United waxay diidi doontaa in bisha January laga soo dalbado khadka dhexe ee reer Brazil ee Bruno Guimaraes oo 26 jir, kaas oo ay doonayso PSG. (i)
Barcelona waxa ay joojisay ka hadalka mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo ah 24 jir ay xagaagii amaah kaga soo qaateen Atletico Madrid. (Sport)
Tottenham ayaa doonaysa khadka dhexe ee kooxda Middlesbrough ee Hayden Hackney oo 21 jir ah, laakiin waxa kale oo indhaha ku haya laacibkan kooxaha Manchester City, Manchester United iyo Liverpool. (Evening Standard)
Be the first to comment