Arsenal Oo Ka Badbaadday In Laga Ganaaxo Champions League Iyo Wixii Dhacay Shaly


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka badbaadday in ay UEFA ku riddo ganaax ka hor ciyaarta Champions League ee Lens, kaddib markii uu tababare Mikel Arteta awoodi waayey in uu saxaafadda la hadlo waqtigii loogu talo-galay.

Gunners oo guul-weyn oo 4-0 ah ka gaadhay PSV Eindhoven kulankii koowaad ee 20kii September, ayaa waxay doonaysaa in ay mar kale libin hesho, si waqti horeba ay u xaqiijisan karto in ay usoo gudubto wareegga group-yada Champions League.

Arsenal oo ay ugu dambaysay sannadkii 2017 in ay kasoo qayb-gasho Champions League, ayaa waxa shalay ay ku xannibmeen aroonka Luton Airport oo ay muddo afar saacadood ah joogeen, waxaana ay sababtu ahayd cimilo xun oo ka dhacaysay Koonfurta England, balse waxay awoodeen in ay u duulaan Lille 9kii fiidnimo, halka ay 40 daqiiqadood oo kalena usii socdeen Lens.

Tababare Mikel Arteta ayaa kansalay shirkii jaraa’id ee qasabka ahaa ee ciyaarta ka hor, taas oo ka dhigan in uu jabiyey qodobka 73 ee sharcia UEFA, waxaana uu qodobkaasi dhigayaa in la ganaaxo kooxda ay tababaraheeda iyo mid ka mid ah ciyaartoydeedu iman waayaan shirka jaraa’id.

Laakiin Arsenal ayaa laga dhaafay ganaaxa maadaama ay timid arrin dabiici ah oo sababtay in Mikel Arteta uu awoodi waayo in uu Lens ku qabto shirka jaraa’id waqtigii loo qabtay, waxaana uu waqti dambe oo xalay ah la hadlay saxaafadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*