Real Madrid Oo Qasnaddeeda U Jabinaysa Xiddigaha Newcastle Ee Bruno Guimaraes Iyo Alexander Isak


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay weerar ku qaaddo Newcastle United oo ay ka doonayso inay halmar kasoo wada qaadato labada ciyaartoy ee ay ku tiirsan tahay Magpes ee Bruno Guimaraes  oo khadka dhexe ah iyo Alexansander Isak, kuwaas oo Arbacada habeen dambe waajahaya PSG kulan ka tirsan Champins League.

Real Madrid ayaa muddo dheer daba socotay Kylian Mbappe oo ugu dambayntii ay rajaynayaan inay si xor ah kusoo qaataan xagaaga soo socda oo uu xor ka noqonayo kooxdiisa PSG.

Los Blancos oo ay weeraryahanno laaa ku dhacday markii uu ka tegay Karim Benzema oo xagaagii u wareegay waddanka Sucuudiga ayaa waxa wali ay mudnaanta siinaysaa Mbappe, hase yeeshee waxa kale oo ay diiraddeedu saaran tahay Alexander Isak oo ay u weerarkaan weeraryahan dhexe oo dookh iyo xulasho fiican u noqon karaya kooxdooda, kaas oo ka garab ciyaari karaya Mbappe iyo Vinicius.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa waddanka Spain, Florentino Perez ayaa gacan yihihiisa Juni Calafat u diray Ingiriiska si uu usoo daawado ciyaarta PSG iyo Newcastle United ee St James’s Park, waxaana uu si gaar ah indhaha ugu hayn doonaa Bruno Guimaraes iyo Isak.

Xiddiga Brazil ee Bruno Guimaraes oo January 2022 ay Newcastle kagaga soo iibsatay Lyon lacag dhan £40 milyan oo Gini ayaa waxa uu dhowaan saxeexay heshiis cusub oo lagu daray qodob dhigaya in lagu burburin karayo £100 milyan oo Gini oo ay hadda doonayso Real Madrid inay bixiso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*