Fede, Theo, Zlatan Iyo Magacyada AFAR Ciyaartoy Uu Carlo Ancelotti Doonayay Inay La Saxeexato Napoli Iyo Weerarkii Uu Ku Hayey Real Madrid


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa dib ugu laabtay Napoli isaga oo hoggaaminaya Real Madrid, waxaanay habeen dambe ku kulamayaan ciyaarta labaad ee wareegga group-yada Champions League.

Ancelotti ayaa hore usoo layliyey Napoli sannadihii 2018 illaa 2019, waxaana waqtigaas uu dalbaday in loo keeno afar ciyaartoy oo laba ka mid ah ay Real Madrid ka tirsanaayeen, haddana midkood uu yahay laf-dabarta kooxda reer Spain, kuwaas oo midkoodna uu waayey.

64 jirkan ayaa hore tababare ugu soo noqday Napoli intii u dhaxaysay July 2018 illaa December 2019 isaga oo hoggaamiyey 73 ciyaarood, ka hor intii aanu Aurelio De Laurentiis oo go’aansanin in uu shaqada ka caydhiyo kaddib sagaal ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo aanay wax guul ah arag, isla markaana tartanka Champions League ay ka reebtay kooxda Genk ee reer Belgium.

Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sport, intii uu Carlo Ancelotti joogay Napoli waxa uu la dhacsanaa afar ciyaartoy oo Real Madrid ah oo uu doonayay in uu keeno kooxda reer Talyaani, balse uu ka tegay isaga oo aan midkoodna la saxeexan.

Ciyaartoyga koowaad ee uu doonayay ayaa ahaa Federico Valverde oo laf-dhabar u ah Real Madrid, Zlatan Ibrahimovich ka hor intii aanu ku laabanin AC Milan, Josip Ilic oo wacdaro ka dhigayay Atalanta iyo difaaca bidix ee reer France ee Theo Hernandez oo waqtigaas joogay Real Madrid, balse waxyar kaddib laga iibiyey AC Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*