UEFA Oo Joojinaysa Tartanka Champions League Iyo Qorsheyaasha Cusub Ee Miiska Saaran


Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel kale ku samaynaya tartanka Champions League oo hore ay u qorshaysnayd in sannadka dambe la kordhiyo tirada naadiyada kasoo qayb-gelaya oo laga dhigayo 36 kooxood.

UEFA ayaa waxay ka fiirsanaysaa in iyadoo isbeddelka hore loo shaaciyey la dhaqan-gelinayo, in haddana ay bilaabaan hannaan ay kasoo dheegteen qorshihii fashilmay ee Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ay hagayeen ee UEFA Super League.

Sannadkii 2021 ayay 12 kooxood oo waaweyn oo reer Yurub ah ku dhawaaqeen in ay samaysanayaan tartan ay u bixiyeen UEFA Super League, waxaana naadiyadaasi ay kala ahaayeen Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Manchester United, Liverpool, Manchester City, Chelsea, Tottenham, Arsenal, Juventus, Inter Milan, AC Milan iyo naadiyo kale oo miiska saarnaa, waxaana tirada lagu bilaabayay ay ahayd 12 naadi oo waaweyn iyo kooxo kale oo soo raaceyaal ahaa.

Laakiin taageereyaasha kubadda cagta ayaa mudaharaadyo kala hortegay qorshahan oo fashiliyey, iyadoo mudaharaadyadana ay dabada ka hagayeen UEFA iyo horyaallada Yurub oo u arkayay in uu halis ku yahay tartamadii ay iyagu maamulayeen.

Saddex sannadood kaddib, UEFA ayaa waxay soo minguurinaysaa qorshihii kooxahaas laga fashiliyey, waxaana ay unkaysaa Super League, iyadoo saddex meelood loo kala jabinayo naadiyada hadda ka qay galaa Champions League.

Qirshan cusub ayaa waxa uu gebi ahaanba meesha ka saarayaa tartannada Champions League, Europa League iyo Conference League, waxaana lagu beddelayaa hal tartan oo kaliya oo ah Super League oo ay ka qayb-gelayaan 54 kooxood.

Waxa kooxaha loo kala qaybinayaa saddex meelood oo min 18 naadi ah oo yara kala hooseeya, waxaana jiri doona laba kooxood oo soo darajooyinka sare u gugdbaya iyo laba dhacaya.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa ah mid kaliya ay hadda dooddiisu bilaabantay oo aan dhaqangelintiisa la ogeyn waqtiga ay noqonayso iyo haddii ay xubnaha UEFA ogolaan doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*