Raphael Varane Oo Qiimayn Ku Sameeyey Fursadda Manchester United Ee Champions League


Difaaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Raphael Varane ayaa saadaaliyey fursadda kooxdiisu ugu guuleysan karayso tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan oo ay si aad u liidata ku bilaabatay dhamaan tartamada.

Kooxda tababare Erik ten Hag oo ay Group A ku wada jiraan Bayern Munich, Galatasaray iyo FC Copenhagen ayaa waxa ay tartanka ku bilaabatay guul-darro qadhaadh oo ah 4-3 oo ay Bayern Munih kulankii Allianz Arena ee bishii hore ugu soo dhiibtay, waxayse Salaasada la ballansan yihiin Galatasaray.

Manchester United oo Sabtidiina ay Crystal Palace kaga adkaatay 1-0 ayaa dad badan ay shaki gelinayaan in ay meel fiican ka gaadhi karayaan tartanka Champions League, waxaase fikir ka duwan qaba Raphael Varane oo rumaysan in kooxdiisu ay ku guuleysan karayso.

Varane oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Waxay ila tahay, in tartankan lagu go’aamiyo tafaasiil waana in aad lahaato awood aad ugu guuleysato. Waxay ila tahay in aanu horumarin karayno in badan dahlinta goolasha.

“Waa run in ay yar yihiin goolasha aanu dhalinaynay xilli-ciyaareedkan, isla markaana ay badan yihiin kuwa la naga dhaliyey, laakiin waa in aanu abuurno fursado badan oo goolal lagu dhalin karayo oo aanu sare u qaadno heerkayaga, markaa, fursad fiican ayaanu u haysanaa in aanu ku guuleysano tartankan.”

Raphael Varane oo la weydiiyey in uu dhab ka yahay hadalkiisa ah in ay ku guuleysan karayaan Champions League, ayaa ku jawaabay: “Haa, waxay ila tahay in aanu ku guuleysan karayno, sababtoo ah waxa aanu haysanaa koox tayo leh. Hore waxa aan u sheegay in uu tartankani adag yahay oo ay tahay inaad ka faa’iidaysato fursad kasta oo aad hesho, laakiin annaguna waanu haysanaa koox tayo leh oo niyaddeeda guushu fiican tahay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*