Kooxda kubadda cagta Liverpool waxay rafcaan ka qaadan doontaa kaadhkii casaa ee Sabtidii la siiyey Curtis Jones, kulankii ay Tottenham Hotspur kaga badisay 2-1 ee uu garsooraha ciyaartu qaladaadka badan sameeyey.
Jones ayaa laga saaray ciyaarta oo 0-0 ah markii uu taakal xun ku qabtay Yves Bissouma, iyadoo uu garsoore Simon Hooper markii hore siiyey huruud ayaa waxa lasoo hadlay Darren England oo ahaa garsooraha VAR oo u sheegay in uu casaan u qalmayo.
Hooper oo uu England uga yeedhay VAR ayaa markii ay isla hubiyeen waxa uu ka laabtay kaadhkii hore ee digniinta ahaa, waxaana uu ugu beddelay casaan toos ah.
Jones ayaa waxa uu kooxdiisa ganaax kaga maqnaanayaa kulamada Brighton & Hove Albion, Everton iyo Nottingham Forest, hase yeeshee BBC Sports ayaa sheegtay in Liverpool ay go’aansato inay rafcaan ka qaadato casaanka Jones, waxaanay rajaynaysaa in loo ogolaan doono inuu u ciyaaro kulanka Amex Stadium ee Axadda.
Inkasta oo ay Liverpool rafcaan ka qaadanayso casaanka Curtis Jones, haddana waxa ay ogolaatay in aanay isku dayin inay rafcaan ka qaadato casaankii Diogo Jota, sababtoo ah sharcigu ma ogola in ciyaartoy laba kaadh oo digniin ah la siiyey laga noqdo.
Be the first to comment