CEEB WEYNAA: Rikoodhka Barcelona Looga Diiwaangeliyey 3dii Sannadood Iyo Qaybta Uu Lionel Messi Ku Leeyahay


Kooxda kubadda cagta Barcelona waxa ku habsatay ceeb weyn tan iyo markii uu ka tegay Lionel Messi muddo laga joogo laba sannadood iyo badh, waxaanay murugo kaga jiraan tartanka ugu weyn Yurub ee Chammpions League. Waxa ceebtan qayb ka ah Lionel Messi oo bilowgii hore joogay Camp Nou.

Inkasta oo xilli-ciyaareedkii hore ay ku guuleysteen horyaalka LaLiga, haddana waxa ay dhibaato ka haysataa in ay guulo ka keenaan kulamada horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, iyagoo xilli-ciyaareedkii hore ku hadhay wareegga group-yada, halka midkii kasii horreeyeyna ay wareegga 16ka kusoo hadheen.

Markii ugu dambaysay ee ay meel fiican ka gaadhaan tartanka waxay ahayd xilli-ciyaareedkii 2019 oo ay semi-finalka tageen, balse qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkaas ayaa sidoo kale ku ahaa mid adag.

Xogta u diiwaangashan Barcelona, ayaa muujisay, in Barcelona aanay muddo saddex sannadood ah ku guuleysanin ciyaar ka tirsan Champions League oo ay marti yihiin, waxaana ugu dambaysay wareegii group-yada xilli-ciyaareedkii 2020-21.

Ronald Koeman ayaa ahaa tababaraha Barcelona waqtigaas, intii ka dambaysay oo ay isbeddeleen Setien iyo Xavi ayaa ay awoodi waayeen in ay wax guul ka keenaan tatankan iyaga oo marti ah.

Kooxda reer Catalonia ayaa laga soo bilaabo waqtigaas, waxa ay murugo ku dhamaysanaysay kulan kasta oo ay marti tahay oo Champions League iyo Europa League ah, waxaana soo karbaashay kooxaha Benfica iyo Bayern Munich, haddana Inter Milan iyo Manchester United oo midda dambe ahayd Europa League ayaa usii raaciyey guul-darrooyin kale.

Arbacada ayay Barcelona raadinaysaa guushii ugu horreysay ee muddo saddex sannadood ah ay ka keento garoon ay marti ku tahay tartamada Yurub, waxaaay garoonka Estádio do Dragão ugu tegayaan FC Porto oo ay isku hormo yihiin.

Haddii ay guul ka keenaan FC Porto, waxay Barcelona usii dhowaan doontaa wareegga 16ka ee ay gaadhidiisa iyo ka gudbiddiisuba dhibaatada ku noqdeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*