DEG-DEG: Xidhiidhka FA Oo Ganaaxay Liverpool


Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa ganaax kusoo rogay kooxda kubadda cagta Liverpool kaddib wixii ka dhacay ciyaartii fadeexadda ahayd ee Tottenham ee garsooreyaashu ay khalkhalka abuureen.

Liverpool ayaa lagu eedeeyey in ay u dhaqantay si anshax xumo ah ciyaartii Tottenham, inkasta oo ay tirsanayeen in laga diiday gool caddaan ah iyo in kaadh qalad ah la siiyey Diogo Jota.

Reds ayaa intii ay ciyaartu socotay waxay qaadatay toddoba kaadh oo uu ku jiro Peter Krawietz oo ka mid ah gacan-yareyaasha Jurgen Klopp.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu sheegay, in Liverpool lagu ganaaxay £25,000 Gini oo ay ku mutaysteen anshax-xumo markhaati looga dhigay tirada kaadhadhka digniinta ah ee la siiyey.

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool ee Alexis Mac Allister ayaa sidoo kale ciqaab dheeraad ah lagu ridayaa kaddib markii uu tababare Simon Hooper ku tilmaamay ciyaartoy 12aad oo u dheelayay Tottenham.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku ma aanu sheegin ganaaxa lagu ridayo Alexis Mac Allister, hase yeeshee waxa uu ku jiraa liiska ciyaartoyda qaybta ka ah eedda kooxda loosoo jeediyey ee ‘in ay Liverpool xakamayn kari weyday ciyaartoydeeda’.

Liverpool ayaa waxa ciyaartaas kaadh casaan toos ah ka qaatay Curtis Jones, halka qaybtii dambena laba kaadh oo digniin ah oo midkood ay muuqatay in garsooruhu ku degdegay lagu saaray Diogo Jota.

1 Comment

  1. waa hore ayaan ogaaday qoraaga gool24.net inuu yahay taageere liverpool sxb adigu qoraalkii hore ee ciyaartaas kadib aad soo dhigtay iyo midkan immika aad soo dhigtay iswaafaji
    sababtoo ah maalinkaas hore jota ayaad eeda saaraysay adigoo yidhi kaarka hore markuu qaatay inyar kadib ayuu kubad ay totanham laaganaysay hor istaagay
    maantana garsooraha ayaad eedaynaysaaye qoraanimo iyo taageerenimo kala reeb
    xataa hadaad taageeri koraalka yaan lagaa fahmin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*