Maurico Pochettino Iyo Thiago Silva Oo La Magacdhabay Xilli Sirta Qolka Labiska Chelsea Ay Soo Baxday


Ilo ku dhow qolka labiska Chelsea oo u sir waramay wargeyska The Athletic ayaa tilmaamay in dhibaatada Chelsea heysata ay sabab u yihiin tababare Mauricio Pochettino iyo Thiago Silva.

Warkaan ayaa la helay ka hor kulanka caawa ay Chelsea la ciyaareyso Fulham.

Chelsea ayaa todobaadkan ku dhameysan karta iyagoo kaliya hal dhibic ka sareeya booska lagu haro haddii ay guuldarro ka soo gaarto Fulham.

Blues ayaa kulan walba oo ay ciyaarta heysata kubada inteeda badan laakiin waxay kaliya shan dhibcood ka heystaan lix kulan oo ay ciyaareen.

Kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Nottingham Forest bishii la soo dhaafay, kooxda Pochettino waxay kubada heysteen boqolkiiba 76, waxayna heleen 21 darbo.

Si kastaba, labo ka mid ah darbooyinkaas ayaa ahaa kuwa goolka ku bartilmaameedsan, waxaana looga badiyay 1-0.

Sida laga soo xigtay ilaha u sir waramay The Athletic, Pochettino uma sheego ciyaartoyda weerarka taatiko la xiriirta weerarka kooxda iyo sida ay uga faa’ideysan karaan fursadaha ay abuuraan, taas bedelkiisa waxa uu fariintiisa ka dhigaa mid sahlan isagoo u sheega ciyaartoyda inay soo bandhigaan kaliya tayadooda.

Waxayna taasi keentay in Chelsea ay noqoto mid ilowday sida gool loo dhaliyo madaama tababaraha uusan dejinin qorshe ay ciyaartoyda ku weerar tagi karaan kuna dhameystiri karaan fursadaha madaama aysan jirin taatiko la isla ogyahay oo keeneysa isfaham dhexmara ciyaartoyda weerarka.

Thiago Silva oo ah xiddig khibrad badan ayaa isna lagu eedeeyay inuu gabay doorkiisa hogaamineed, isagoo aan wax aan saameyn ah ku laheyn qolka labiska. Ilaha u sir waramay The Athletic waxay sheegeen inaysan jirin cid dhiirogelin iyo tusaale u ah ciyaartoyda Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*