Howard Webb Oo Talaabo Ka Qaadaya Garsoorayaasha Premier League Ka Dib Fadeexadii Sabtidii


Madaxa garsoorayaasha Premier League Howard Webb ayaa la filayaa inuu soo rogo sharci cusub ka dib qaladkii VAR ee kulankii ay Liverpool guuldarada ka soo gaartay Tottenham Sabtidii.

Luis Diaz ayaa si qalad ah looga diiday gool iyadoo VAR ay ka jiifatay inay saxdo qaladka calanwadaha.

Xiriirka garsoorayaasha Premier League PGMOL ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku qirteen in qalad weyn oo bani’aadam ah uu dhacay kulankaas islamarkaana ay qalad aheyd in la diido goolkii Liverpool.

Waxaase la yaab noqotay markii ay soo baxday faahfaahinta ah in garsooraha VAR Darren England uu aaminsanaa in garsooraha dhexe uu goolka ogolaaday islamarkaana ay aheyd sababtii uu ugula taliyay garsooraha dhexe Simon Hooper inu ku adkeysto go’aankiisii hore.

Taasi waxay dhalisay cadho, iyadoo Liverpool  soo saartay bayaan  fiidnimadii Axadda oo ay ku xaqiijinayso ‘inay sahamin doonaan wadooyinka u furan, madaama ay jirto baahi loo qabo isla xisaabtan iyo xal.

Sidoo kale Axadii, wargeyska The Times ayaa sheegay in garsooraha VAR Darren England iyo calanwade Dan Cook oo ah calanwadihii offside-ka dhigay inay ka soo shaqeeyeen ciyaar ka dhacday Imaaraadka Carabta 48 saacadood ka hor kulankii Tottenham Stadium.

Xogtaas la soo bandhigay ayaa keentay in Howard Webb oo garsoorayaashaas u fasaxat safarkii Imaaraadka Cabarta inuu haatan ka fiirsanayo inuu garsoorayaasha Premier League ka mamnuuco inay u safraan dibada 48 saacadood ka hor inta aysan ciyaar ka qabanin Premier League.

Caadiyan kooxaha Yurub ka ciyaara marka ay safar galaan waxaa loo ogolaadaa seddex maalmood oo nasasho ah, waana sababta Howard Webb uu haatan u soo rogayo sharcigaan ku qasbaya garsoorayaasha Ingariiska inaysan ciyaar kale ka qabanin meel ka baxsan England.

Darren England iyo Dan Cook oo safar dheer uga soo laabtay Imaaraatka Carabta 48 saacadood ka hor kulankii Tottenham Stadium ayaa la aaminsan yahay in qaladaadkooda uu ugu wacnaa inay daalnaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*