Xavi Oo Magacaabay SADDEXDA Weeraryahan Ee Uu Khaatiga Ka Istaagay Iyo Guul-darradii Ugu Xanuunka Badnayd Ee La Kulmay Intii Uu Tababaraha U Ahaa Barcelona


Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Havi Hernandez ayaa magacaabay weerarkii ugu dhibka badnaa ee ka hor yimid kooxdiisa Barcelona intii uu tababarha ahaa, kaas oo uu xusay inuu ka burburiyey qorsheyaashiisii uu dejistay isla markaana sabab u noqday in xilli-ciyaareedkii hore ay macasalaameeyaan tartamada Yurub.

Barcelona ayaa waxa ay wareeggii group-yada kaga hadhay tartanka Champions League oo ay Bayern Munich iyo Inter Milan kasoo baxeen hormadoodii ay ku wada jireen, halka Manchester United oo ay isku dhaceen tartanka Europa League ay isku-darka labadii lugood ku garaacday 4-3, sidaasa ay Barcelona ku macasalaamaysay tartamada Yurub.

Xavi oo la weydiiyey ciyaartoygii ugu dhibka badnaa ee ka hor yimid kooxdiisa intii uu tababaraha ahaa, ayaa waxa uu markiiba lasoo booday Marcus Rashford oo ciyaartii lugta hore ee Camp Nou ee kusoo dhamaatay 2-2 shabaqa soo taabtay, inkasta oo lugtii labaad ee 2-1 ay United ku badisay aanu wax gool ah dhalin.

Waxa uu Xavi sheegay, in Rashford uu yahay ciyaartoy farsamo badan oo ay adag tahay, in la joojiyo isla markaana meelo badan kaga soo wareegay difaaca kooxdiisa.

Waraysi uu siinayay wargeyska Mundo Deportivo, ayaa lagu weydiiyey su’aal ahayd, waa kuma ciyaartoygii aad ku dhibaatootay sidii aad u joojin lahayd, waxaana uu ku jawaabay: “Rashford ayaa dhibaato badan noo geystay. Sidoo kale, Vinicius Junior iyo Karim Benzema.”

Waxa kale oo uu ka hadlay guul-darradii ugu qadhaadhayd, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd ciyaartii ay Bayern Munich nagu garaacday 3-0 xilli-ciyaareedkii hore, taas oo calaamadisay in aanu si dhab ah uga hadhno tartanka Champions League.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*