KAAF & KALA-DHEERI! Gianfranco Zola Oo Sharraxay Xaaladda Chelsea Iyo Niyad-jabka Taageereyaasha


Halyeygii Chelsea ee Gianfranco Zola ayaa sheegay in ay dhibaato weyn haysato kooxdiisii hore, isla markaana uu cadaadisku kusii kordhayo tababare Mauricio Pochettino oo haddii aanu guulo degdeg ah keenin ay u badan tahay in uu shaqadiisa waayi doono.

Blues ayaa si aad u liidata ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, waxaana lix ciyaarood oo Premier League ah ay kaliya ka haysataa shan dhibcood oo ku yimid hal guul ah iyo laba barbarro ah.

Chelsea oo xagaagan kharash garaysay lacag ka badan £400 milyan oo Gini, sidoo kalena muddadii koobnayd ee uu joogay Todd Boehly ay lacagta ay ciyaartoyda cusub kusoo iibsadeen sare u dhaaftay £1.1 bilyan oo Gini, ayaa illaa hadda garan la’ sidii loo guuleysanayay.

Gianfranco Zola oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee soo martay taariikhda Chelsea, ayaa wax laga weydiiyey dhibaatada haysata Blues, waxaanu ku jawaabay: “Taageereyaashu wali ma aanay aqoonsanin ciyaartoydan.

“Waxa jira ciyaartooyo badan oo ku cusub kooxda, waa kuwo da’yar oo aan buuxin karaynin wixii ay taageereyaashu ka filayeen, taas ayaana abuuraysa in lagu qanci waayo.

“Marka aad lacag badan kharash garayso ee aad isku keento ciyaartooyo sidaa u badan, khatartu waxay tahay in ay adkaato in aad u habayso qaab koox ahaaneed. Ciyaartoydu waa in ay isku duubnaadaan, isna fahmaan, taasina waqti ayay qaadataa.

“Waxa aan rajaynayaa in taageereyaashu fahmi doonaan in heerka filashadooda aan lagu gaadhi karayn afar ama shanta sannadood ee soo socda, sababtoo ah tani ma aha kooxdii ay hore u yaqaaneen.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*