Bukayo Saka Iyo Gabriel Jesus Oo Ka Dhaawacmay Arsenal Oo Usbuuca Dambe Qaabbilaysa Manchester City


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey, in uu dhaawac ku saaray Bukayo Saka kulankii ay shalay 4-0 ku xasuuqeen Bournemouth, isla markaana ay xaaladiisa qiimayn doonaan maalmaha soo socda.

Bukayo Saka oo la filayo inuu ka mid noqdo liiska xulka qaranka England ee uu Gareth Southgate ku dhawaaqi doono Khamiista ee toddobaadka dambe ka hor tegi doona Australia iyo Italy, ayay Arsenal ku ducaysanaysaa in uu taam u noqdo kulanka Champions League ee Lens ee Salaasada, kaas oo ay sidoo kalena ugu xigto Manchester City oo ay Axadda soo socota ballansan yihiin.

Saka oo hore dhaawac ugaga maqnaa ciyaartii Brentford ee usbuucii hore ee tartanka Carabao Cup, ayaa waxa qalad ku galay Kilos Kerkez oo difaaca uga ciyaara Bourenmouth daqiiqaddii 75aad, waxaanay isla markiiba lagu beddelay Fabio Vieira. Dhakhaatiirta Arsenal ayaa qiimaynaya inta uu le’eg yahay dhaawaca Saka.

Tababare Mikel Arteta oo ka hadlay dhaawaca Saka ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in ay waxkaga dhaceen isla halkii toddobaadkii hore, laakiin wali ma aanan helin fursad aan kula hadlo.

“Gabriel Jesus ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaadhay, balse waynu arki doonaa sida xaaladdoodu noqoto labadoodaba.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*