Sofyan Amrabat Oo Noqday Dhibbanaha Cusub Ee Manchester United Ee Canaanta Loo Jeedinayo


Xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ayaa durba noqday ciyaartoyga farta lagu fiiqayo ee sida weyn loogu eedaynayo inuu qayb ka noqdo mushkiladda haysata Manchester United, waxaana lagu haystaa bandhiggii aan fiicnayn ee uu ka sameeyey ciyaartii Crystal Palace ay shalay 1-0 ku garaacday Red Devils, taas oo ahayd guul-darradii afraad ee soo gaadha Manchester United toddoba ciyaarood oo Premier League ah oo ay dheeleen.

Sofyan Amrabat oo Manchester United ay amaah kaga soo qaadatay Fiorentina maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii, ayay u ahayd kulankii labaad ee xidhiidh ah ee uu kusoo bilowdo, waxaana uga horreysay ciyaartii Salaasadii ay Crystal Palace ka reebeen tartanka Carabao Cup, ka hor intii aan iyagana lagaga aargoosanin Old Trafford.

Inkasta oo uu kulankii hore bandhig fiican ka sameeyey, haddana Sofyan Amrabat ayaa liitay ciyaartii shalay, isaga oo ka ciyaarayay boos aan kiisii ahayn oo ah difaaca bidix oo ay dhaawac kaga maqan yihiin Sergio Reguilon, Luke Shaw iyo Tyrell Malacia.

Qalad uu sameeyey Amrabat ayaa Crystal Palace loogu dhigay laad xor ah daqiiqaddii 25aad, waxaana gool u beddelay Joachim Anderson, iyadoo uu Amrabat u taag waayey Jordan Ayew oo dhibaato badan ku hayay.

Halyeygii Manchester United ee Peter Schmeichel oo lagu tilmaamo goolhayihii ugu fiicnaa taariikhda kooxda, sidoo kalena ah midka ugu guulaha badan, ayaa dhalliilo u jeediyey Sofyan Amrabat, waxaanu yidhi: “Ciyaarta ka hor ayaynu ka hadalnay Amrabat, waxay ahayd kulankiisii ugu horreeyey ee Premier League ee uu kusoo bilowdo, balse ma fiicna illaa hadda.

“Waxa uu sameeyey qalad doqoniimo ah oo sababay laadka xorta ah ee goolka sababay. Waxa aan rajaynayay in Rasmus Hojlund uu gool dhaliyo maanta [shalay], laakiin Joachim Anderson ayaa gool cajiib ah naga dhaliyey.”

Peter Schmeichel waxa uu garab istaagay Andre Onana oo qalad xun sameeyey ciyaartii Bayern Munich ee Champions League, waxaana uu sheegay in haba-yaraatee aanu waxba ka qaban karayn goolkii shalay ee Anderson oo ay ahayd shaqadii difaaca, isla markaana uu Onana sameeyey badbaadino badan iyo shaqo fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*