Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha ay u doorteen kulanka adag ee Champions League ee Salaasada ay garoonka Diego Armando Maradona ku ballansan yihiin kooxaha Napoli iyo Real Madrid oo isku group ah.
Kooxda difaacanaysa horyaalka waddanka Talyaaniga ee Napoli ayaa qaabbili doonta Real Madrid, waxaana ciyaartaas loo doortay oo garsoore ka noqon doona Clement Turpin oo u dhashay waddanka Faransiiska, isla markaana ahaa garsoorihii finalkii Champions League ee 2022 ee ay Real Madrid koobka qaadday.
Clement Turpin ayaa hore usoo qabtay lix ciyaarood oo Champiosn League oo ay Real Madrid dheeshay, waxaana afar ka mid ah ay Los Blancos ka haysataa rikoodh guul ah oo ay ugud ambaysay finalkii 2021/22 ee ay magaalada Paris ku garaaceen Liverpool.
Real Madrid oo ciyaartii hore barbarro la gashay Union Berlin, ayaa waxa ay Salaasada u dagaallami doontaa sidii ay libin u gaadhi lahayd, si ay hoggaanka hormadooda ugala wareegi karto, halka Napoli oo guul ku furatay tartanka ay isku dayi doonto inay ka faa’iidaysato taageereyaasheeda iyo garoonkeeda oo ay saddexda dhibcood qaadato, si ay waqti horeba u xaqiijisan karaan in ay u gudbaan wareega 16ka.
Abti inta ubadan halkan ayan wararka Kala socda inbadan waxan arkey inaad waxyar been ku dartaan garan mayo iney idinka tahy war la aan aydaan ka war hayn
Halkan qaladka aan ku arko real madrid ciyarti hore ee chanpionka ee ay la ciyaartey union berlin sawtii badisey wa axy barbaraha aad ka sheekeyneyso