Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul weyn oo ay ka gaadhay Girona oo lagu tilmaamay mucjisada horyaalka Spain ee LaLiga ee xilli-ciyaareedkan waxay kula wareegtay hoggaanka, kaddib saddex gool oo ay qaybsadeen saddex ciyaartoy.
Los Blancos ayaa qaybtii horeba ka takhalustay Girona oo xaqiiqsatay in ay guuleysanayso markii ay laba gool ku dhalisay afar daqiiqadood gudahood, sidoo kalena ay kooxda garoonkeeda joogtay iska lumisay fursado bilowgii hore ahaa oo midkood ay birta garaaceen.
Joselu Mata ayaa daqiiqaddii 17aad Real Madrid u dhiibay hoggaanka kaddib markii uu isku tuuray kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Jude Bellingham.
Furaha guusha Real Madrid ayaa waxa noqday goolkaas, laakiin waxa ka horreeyey dhawr fursadood oo dahabi ahaa oo ay Girona iska khasaarisay.
Tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayay laba fursadood oo waaweyn soo mareen Girona oo midkood uu ahaa midx ay birta dul-ariyeen iyo fursadda kale oo ahayd madax uu birta ka jaray Tsygankov, taas oo uu goolhaye Kepa xataa awoodi waayey in uu raaco.
Goolka labaad ee Real Madrid ayaa waxa madax awood badan ku qabtay Aurelien Tchouameni oo meel cidlo ah ka helay kubbad koorne ahayd oo uu soo laaday Toni Kroos.
Real Madrid oo inta badan ciyaarta hoggaaminaysay ayaa waxa uu tababare Carlo Ancelotti u sheegay ciyaartoydiisa in ay kubadda ilaaliyaan sidoo kalena ay ku dedaalaan in ay ka faa’iideeyaan fursadaha ay helaan.
Kubbad gantaal ahayd oo uu Joselu ku toogtay goolka ayaa waxa badbaadiyey Gazzaniga oo dedaal badan samaynayay, hase yeeshee Jude Bellingham ayaa ku celiyey kubadda oo dhaliyey fooli.
Goolkan ayaa ahaa midkii toddobaad ee uu Jude Bellingham u dhaliyo Real Madrid xilli-ciyaareedkan, waxaana uu hoggaaminayaa gool-dhalinta horyaalka.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay la wareegtay hoggaanka horyaalka, waxaanay haysataa 21 dhibcood oo ay ka urursatay siddeed kulan oo ay dheeshay, halka Barcelona ay u dhacday kaalinta labaad oo ay hal dhibic ka hoosayso Real Madrid, iyadoo Girona u daadegtay saddexaad.
Be the first to comment