20 sannadood ayaa laga joogaa waqtigii Newcastle United ugu dambaysay tartanak Champions League, balse sannadkan ayay dib usoo noqotay oo ay ku jiraan group-ka dhimashada iyaga oo waliba rajo fiican leh.
Patrick Kluivert ayuu ahaa ciyaartoygii aamusiiyey taageereyaasha Newcastle United markii ay ciyaartii ugu dambaysay tartankan ay garoonka St James’ Park ku martigeliyeen Barcelona.
Sir Bobby Robson oo ahaa tababaraha Newcastle, waxa uu daawanayay kooxdiisa oo ay Barcelona ku burburinayso 2-0 oo aanuw axba ka qaban karaynin, waxaana shabaqooda la saaxiibay Kluivert oo si fudud shabaqooda kusoo taabtay.
Lacagtii uu Sucuudigu ku maalgeliyey ayaa Newcastle ka dhigtay koox isbeddel badan ka muuqdo oo durba kusoo celiyey Champions League wax aan ka badnayn laba sannadood, waxaanay usbuucan is-helayaan PSG.
Shirkadda Public Investment Fund ee Sucuudiga u qaabilsan maalgelinta dibedda ee uu maamulo Mohammed Bin Salman, ayaa la sheegay in ay doonayso in kooxda uu yimaaddo Kylian Mbappe xagaaga dambe oo ay dhaqaale kusoo jiitaan, iyadoo la ogyahay in Real Madrid ay si weyn u raadinayso laacibkan, sidoo kalena ay PSG ku dhegsan tahay oo ay diiddan tahay inay bixiso.
Saxeexoodii ugu dambeeyey wuxuu ahaa da’yarka ay Chelsea kasoo qaateen ee Lewis Hall oo ay £28 milyan oo Gini kasoo bixiyeen, kaas oo ay waliba u qoreen mushahar uu toddobaadkii ku qaadanayo £140,000 Gini.
Mohammed bin Salman ayaa la sheegay in uu ansixiyey in kooxda la keeno Mbappe oo la rumaysan yahay in mushaharkiisu uu sare u dhaafayo £1 milyan oo Gini toddobaadkii, laakiin kalidii ma aha, waxaanay sidoo kale liiska qorshahooda ku darsadeen weeraryahanka kale ee reer France ee Antoine Griezmann.
Be the first to comment