Manchester United ayaa guul-darradii afraad loo xambaariyey toddoba kulan oo horyaalka Premier League ah oo ay ciyaartay, waxaana galabta 1-0 ku dhirbaaxday Crystal Palace oo marti ku ahayd Old Trafford.
Erik ten Hag oo kusoo laabatay tubta guusha kulamadii Burnley ee Premier League iyo Crystal Palace oo Carabao Cup ay Salaasadii wada ciyaareen, ayaa lagaga aargoostay isla garoonkooda Old Trafford.
Gool uu qaybtii hore dhaliyey Joachim Anderson ayaa noqday midka kaliya ee kala saaray labada kooxood ee saddexda dhibcood siiyey Crystal Palace, sidoo kalena guul-darradii afraad u diiwaangeliyey Man United.
Afartii ciyaartoy ee sababta u ahaa guul-darrada Man United
Manchester United waxay eersanaysaa bandhigga liita ee ciyaartoydeeda oo ay guu sii darnaayeen afar ka ciyaarayay afar boos oo kala duwan, kuwaas oo qiimaynta garoonka ka ahaa kuwa ugu liita.
Weeraryahannadu waa ay shaqeeyeen laakiin qiimayntooda waxa dilay in aanay wax natiijo ah ka keenin shaqadii loo diray ee ahayd inay goolal dhaliyaan.
Saddexda difaac ee dhinacyada ka xigay Raphael Varane ee Diogo Dalot, Victor Lindelof iyo Sofyan Amrabat oo lagu daray Pellistri ayaa Manchester United ugu liitay, waxaanay qaadayaan eedda guul-darrada.
Ciyaartoyda kale ee kooxdooda ayaan waxba dhaamin qiimaynta kulanka, waxaanay kala ahaayeen dhamaantood darajooyinka 5 iyo 6.
Xiddigii garoonka
Joachim Andersen oo ahaa laacibka dhaliyey goolka madiga ah ee kala saaray labada kooxood ayaa noqday xiddigii garoonka, waxaana uu ku garaacay goolhaye Johnstone oo joojiyey kubbado badan oo ay Man United ku toogatay, Guehi oo shaqo badan difaaca ka qabtay, Mitchell, Eze iyo Ayew oo ahaa labada sida adag uga dagaallamay afka hore iyo dhexda.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man Utd: Onana (6), Dalot (5), Lindelof (5), Varane (6), Amrabat (5), Casemiro (6), Mount (6), Fernandes (6), Rashford (6), Hojlund (6), Pellistri (5)
Beddelka: Garnacho (6), Martial (N/A), Maguire (N/A, Eriksen (N/A), Van De Beek (N/A)
Crystal Palace: Johnstone (8), Ward (7), Guehi (8), Andersen (8), Mitchell (8), Doucoure (7), Hughes (7), Ayew (8), Eze (8), Schlupp (7), Mateta (7)
Beddelka: Richards (N/A), Riedewald (N/A)
Be the first to comment