Man United Oo Lagu Garaacay Old Trafford, Man City Oo Guul-darro Loo Xambaariyey Iyo Natiijooyinka Kulamadii Premier League Ee Galabta


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darro xanuun kulul la kulantay, waxaana ka aargoosatay oo 1-0 kaga adkaatay Crystal Palace oo kusoo booqatay Old Trafford saddex maalmood kaddib markii ay United ka reebtay tartanka Carabao Cup.

Manchester United ayay u ahayd guul-darradii afraad ee toddoba ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay dheeleen xilli-ciayareedkan.

Kubbad koorne ahayd oo lasoo laaday ayaa waxa xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay Joachim Andersen oo darbad xooggan ku qabtay, isla markaana goolhaye Onana oo daawanaya ay shabaqiisa gashay, mana ahayn mid lagu eedayn karayo waardiyaha goolka United ee reer Cameroon.

Manchester United oo dedaal badan samaysay ayaa awoodi weyday in ay keento goolka barbarraha, hase yeeshee waxa libaaxa kooxdaas noqday Andre Onana oo kubbado halis ahaa ka badbaadiyey qaybtii dambe, iyadoo Rasmus Hojlund uu Red Devils ka lumiyey kubbad ay u kaceen jamaahiirta kooxda oo awoodi waayey inuu dhamaystiro.

Red Devils ayaa ku doodday in la siiyo rikoodhe balse garsooreyaashu dheg uma aanay dhigin doodda Hojlund oo inkasta oo la cidhiidhiyey haddana aanay cidina qalad ku gelin.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guul-darradii koowaad ee xilli-ciyaareedka loo xambaariyey, waxaana 2-1 ku garaacday Wolves oo dhax jiid-jiidday garoonkeeda Molineux Stadium.

Wolves ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta, waxaana goolkaas hadiyad u bixiyey Ruben Dias oo iska dhaliyey kubad uu isku dayay inuu difaaco, waxaana uu goolkaasi muddo ahaa midka kaliya ee ka dhashay qaybtii hore ee ciyaarta.

Tababare Pep Guardiola oo isbeddello badan sameeyey, ayaa ku khalkhalay sidii uu u buuxin lahaa booska uu ganaaxa kaga maqan yahay Rodri oo saddex ciyaarood oo ka bilaabmayay kulanka maanta kaga maqnaanaya Man City.

Khalad ay sameeyeen khadka dhexe ee Wolves ayaa caawiyey Manchester City daqiiqaddii 58aad, waxaana kubbad laga soo jiiday difaaca ay ogolaadeen in lala yimaaddo bannaanka xerada ganaaxa iyadoo aanay cidina isku dayin inay caabbiso.

Da’yarka Oscar Bobb oo waqtigii beddel ku yimid ayaa isaga oo kubadda isku dayaya inuu xerada ganaaxa la galo, waxa qalad ku galay Pedro Neto, taas oo keentay in City lagu abaal-mariyo laad xor ah oo uu gool u beddelay Julian Alvarez.

Siddeed daqiiqadood kaddib oo ku beegnayd daqiiqaddii 66aad ayay Wolves dib ugu soo ceshatay hoggaanka gool qurux badan oo difaaca Man City ay burburiyeen oo uu u dhaliyey Hee-Chan Hwang oo garab ka helayay Matheus Cunha, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Wolves.

Waxa libin weyn diiwaangashatay Newcastle United oo 2-0 ku karbaashtay Burnley, waxaana goolashan oo midkood rikoodhe ahaa kala dhaliyey Almiron iyo Alexander Isak.

Natiijooyinka kulamadii horyaalka Premier League ee maanta

Aston Villa 6-1 Brighton

Bournemouth 0-4 Arsenal

Everton 1-2 Luton

Man Utd 0-1 Crystal Palace

Newcastle 2-0 Burnley

West Ham 2-0 Sheff Utd

Wolves 2-1 Man City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*