Arsenal Oo Xasuuq U Geysatay Bournemouth Xilli Afar Ciyaartoy Goolasha Qaybsadeen


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka luntay ubsuucii hore, waxaanay 4-0 kusoo karbaasheen Bournemouth oo ay ku booqdeen Vitality Stadium.

Afar gool oo laba ka mid ah ay rikoodheyaal ahaayeen oo ay qaybsadeen saddex ciyaartoy ayaa Arsenal ay ku heshay saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay kusoo galeen kaalinta labaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, inkasta oo booskaas ay beddeli karayso natiijada kulanka Liverpool iyo Tottenham.

Bukayo Saka ayaa aftax wanaagsan u noqday Arsenal daqiiqaddii 17aad ee bilowga ciyaarta oo uu shabaqa taabsiiyey, kaddib saddex toogasho oo ay sameeyeen Jesus iyo xiddigaha afka hore ee Gunners oo ay awoodi waayeen in ay shabaqa ku leexiyaan.

Kubbad uu kasoo shaqeeyey Martin Odegaard oo khadka dhexe kasoo jiiday kubadda ayaa waxa uu madax u saaray Gabriel Jesus oo birta ka jaray, waxaana markiiba helay Bukayo Saka oo shabaqa ku celiyey, sidaasna hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Goolkan ayaa noqday midkii afraad ee uu Bukayo Saka ka dhaliyo horaaylak Premier League xilli-ciyaareedkan, waxaana muuqata in uu waqti horeba u siqayo inuu gaadho hiigsigiisii xilli-ciyaareedkii hore oo uu dhaliyey toban gool.

Arsenal oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ku qasabtay difaaca Bournemouth in ay awoodi waayaan inay kubbadaha iska saaraan.

Dhamaadka qaybta hore oo ay daqiiqad ka hadhsan tahay ayaa Arsenal loo dhigay rikoodhe, kaddib markii uu Eddie Nketiah kubbad kala soo galay dhinac bidix, isla markaana baas isku-taabasho ah la ciyaaray Zinchenko, balse kubadda ayaa waxay gacanta kaga dhacday Aarons iyadoo si toos ah loo dhigay rikoodhe.

Martin Odegaard ayaa loo daayey rikoodhaha oo qaatay, isla markaana u beddelay gool, iyadoo golhaye Neto uu dhinaca qaldan u diray.

Markii lagu soo nqoday qaybta labaad ayay Arseanl sii kordhisay cadaadiska, waxaanay dhinacyada iyo dhaxdaba kubbado kaga hafisay difaaca Bournemouth oo xammili waayey cadaadiska.

Rikoodhe kale ayaa loo dhigay Arsenal siddeed daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad, kaddib markii uu Christie xerada ganaaxa ku riday Martin Odegaard.

Kabtanka Arsenal ayaa sameeyey muhanninimo, waxaana uu rikoodhahan u hadiyeeyey Kai Havertz oo hoggaanka ugu sii dheereeyey kooxdiisa, isla markaana iskaga fudaydiyey cadaadis badan oo saarnaa.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, ayaa waxa goolka afraad u dhaliyey Arsenal difaaca reer Egnaldn ee Ben White, waxaanay sidaas ku yeesheen 17 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*