Gianluigi Buffon Oo Guursaday Wariyihii Ka Quusatay Jacaylka Ciyaartoyda


Ilaria D’Amico waxay ahayd wariye caan ka ahaa telefishanka Sky Sports oo soo gudbin jiray wararka ciyaaraha, taas oo sidoo kalena quus ka istaagtay in ay wax jacayl ah la wadaagto ciyaartoyda oo rumaysnayd in aanay ku fiicnayn.

Toban sannadood ka hor ayaa waxay is-barteen halyeyga reer Talyaaniga ee Gianluigi Bufon oo ugu dambayntiina ay hadda si rasmi ah isku guursadeen.

Buffon ayaa beddelay sidii ay u fikiraysay Ilaria D’Amico ee ahaa in aanay si fiican u aqoonin ciyaartoyda oo ay ka mid yihiin dadka caadiga ah, waxaana uu shukaansaday oo ay xidhiidh jacayl bilaabeen sannadkii 2014.

Saddex sannadood markii ay xidhiidh jacayl wadaagayeen oo ku beegnayd 2017, ayaa is-meheersadeen waxaanay sii wateen xidhiidhkooda jacayl oo ugu dambayntii kusoo dhamaaday aroos hadda dhacay, kaas oo qoys rasmi ah u beddelay xidhiidh soo taxnaa muddo toban sannadood ah.

Buffon oo ay da’diisu tahay 45 jir, ayaa ciyaaraha ka fadhiistay bishii August, waxaana hadda uu waqti jacayl iyo aroos kula jiraa Ilaria oo markii hore ahayd sharciyaqaan, balse u leexatay dhinaca saxaafadda iyadoo kusoo baxday Sky Sports Italy.

Waxay ahayd falanqeeye iyo war-tabiye telefishanka Sky Sports ah intii aanay ka tegin shaqadaas sannadkii 2018, waqtigaas oo ay abuuratay ganacsiyo guuleystay oo ay iskeed u leedahay, sidoo kalena waxay noqotay jilaa filimada ah.

Ilaria D’Amico oo ay da’deedu tahay 50 jir, ayaa waxa hore barnaamij ay u qabatay ay ku sheegtay, in ciyaartoydu aanay ku fiicnayn jacaylka oo lagaga wanaagsan yahay, balse waxay hadda ooridiisa noqotay Gianluigi Buffon oo guursaday.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*