Manchester United Oo Doonaysa In La Beddelo Sharciga Champions League Si Ay U Helaan Qiil Sabab U Noqda In Aanay Ka Hadhin Tartanka


Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay qarka u saaran tahay in ay ka hadho tartanka Champions League, waxaana aad u hoosaysa rajada ay ugu soo gudbi karayso wareegga 16ka ee xilli-ciyaareedkan.

Waxay rajadoodu laalantay markii ay Arbacadii barbarro 3-3 ah la galeen Galatasaray oo mar ay laba gool oo nadiif ah ku hoggaainayeen, hase yeeshee hadda oo hal ciyaar ahi u hadhsan tahay, waxay ku jiraan kaalinta ugu hoosaysa.

Red Devils waxay ciyaarta baaqiga u ah la ciyaari doontaa Bayern Munich, halka Galatasaray iyo FC Copenhagen oo min hal dhibic ka sarreeya Red Devils ay iyaguna is-waajihi doonaan.

United waxay u baahan tahay in December 12 ay garoonka Old Trafford ku garaacdo Bayern Munich, isla markaana barbarro ku dhamaystaan Galatasaray iyo FC Copenhagen, sababtoo ah haddii midkood badiso waxa si toos ah u hadhi doonta Man United xataa haddii ay garaacdo Bayern Munich.

Waxa kale oo Manchester United ay walaacsan tahay in xilli-ciyaareedka dambe ay ka hadho tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe xataa haddii ay usoo baxdo, sababtoo ah waxa saamiyo ka mid ah oo gaadhaya 25% la wareegay Sir Jim Ratcliffe oo ah mulkiilaha kooxda Lens ee horyaalka waddanka Faransiiska.

Sharciga UEFA ayaa waxa uu dhigayaa, in aan tartanka loo ogolaanin in ay kasoo wada-qaybgalaan laba kooxood oo uu wada-leeyahay hal qof ama hal-shirkad amaba uu saamiyo badan ku wada leeyahay hal-qof ama hal-shirkad.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa dalbanaysa in wax laga beddelo sharcigan oo la ogolaado in tartanka ay kasoo qayb-geli karaan laba kooxood oo uu hal-qof ama hal-shirkad wada leeyahay ama saamiyo iyo saamayn ku leeyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*