Liverpool Oo Fasaxaysa Salah, Xiddiga Cusub Ee Uu Doortay Klopp, Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Cancelo, Laacibka Ka Xidh-xidhay Arsenal Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Liverpool ayaa albaabada u furtay inay iibiso xiddiga Masar ee Mohamed Salah, waxaanay doonayaan in beddelkiisa uu noqdo weeraryahanka reer Farance ee Kylian Mbappe oo 24 jir ah oo xagaaga si xor ah loogala wareegi karayo PSG. (Teamtalk)

Mbappe waxa uu ku adkaysanayaa in uu kusii sugnaanayo PSG oo aanu cidna la hadlaynin inta uu ka dhamaanayo xilli-ciyaareedkan, markaas kaddibna uu mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhi doono. (Football Transfers)

Weeraryahanka reer Argentian ee Lautaro Martinez oo 26 jir ah ayaa la filayaa in uu heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxeexato Inter Milan, xilli ay si weyn u doonayaan Chelsea iyo Manchester United. (90 min)

Tottenham waxay go’aansatay in aanay iibinin xiddiga khadka dhexe ee Pierre-Emile Hojbjerg oo 28 jir ah iyo Oliver Skipp oo 23 jir reer England ah, kaddib dhaawac soo gaadhay Rodrigo Bentancur oo garoomada ka maqnaan doona illaa bisha February. (Telegraph)

AC Milan waxay raadinaysaa difaac dhexe oo xalliya mushkiladda ka haysata buooskaas, waxaanay diiraddoodu saaran tahay 23 jirka Arsenal ee Jakub Kiwior oo ay ku doonayaan inay amaah ku qaataan bisha January. (Calciomercato)

Barcelona waxay isku dayaysaa in ay kordhiso heshiiska amaahda ah ee Joao Cancelo oo ay xagaagii kasoo qaadatay Manchester City. Waxay Barcelona isku dayaysaa in sannad kale lagu kordhiyo amaahda oo uu sii joogo Camp Nou illaa 2025. (Sport)

Chelsea waxay isku diyaarinaysaa in ay bisha January dib ugu yeedhato 19 jirka khadka dhexe ee Andrey Santos oo ay Nottingham Forest ciyaarsiin weyday markii ay amaahda kaga qaadatay Blues. (Fabrizio Romano)

Newcastle United ayaa doonaysa weeraryahanka Stuttgart iyo xulka qaranka Guinea ee Serhaou Guirassy oo 27 jir ah. (Rudy Galetti)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*