DEG-DEG: Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Eriday Tababaraheeda


Koox weyn oo reer Yurub ah ayaa shaqada ka caydhisay tababaraheeda kaddib natiijooyin aad u liita oo ay ka keeneen garoomada, taas oo keentay in ay u dhaadhacaan sagxadda hoose ee horyaalkooda.

Kooxda horyaalka waddanka Faransiiska ee Olympique Lyon ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay shaqada ka caydhisay tababaraha Talyaaniga ah ee FabiO Grosso, waxaanay raadinayaan beddelkiisa.

Bishii September ayay Lyon eriday Laurent Blanc oo hal guul oo kaliya ka keenay toddoba ciyaarood oo uu layliyey, waxaana lagu beddelay Fabio Grosso oo isagana hadda shaqada laga caydhiyey.

John Textor oo ah mulkiilaha Lyon, ayaa toddobaadkii hore la sheegay in uu la xidhiidhay Jorge Sampaoli oo uu doonayo inuu u magacaabo tababaraha kooxda ee beddelaya Grosso oo ay isku dhaceen qaar ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah sida Alexandre Lacazette iyo Rayan Charki oo uu kursiga kaydka ku hayay usbuucyadii ugu dambeeyey iyadoo kooxduna dhibaatoonaysa.

Saddex magac ayaa hadda miiska saaran oo ay Lyon u kala dooranaysaa beddelka Grosso, waxaanay kala yihiin Bruno Genesio oo hore tababare ugu soo noqday Lyon, Sampaoli iyo Igor Tudor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*