Real Madrid Oo Dhulka Jiid-jiidday Napoli, Xiddigii Niyad-jabka Iska Maydhay Dhamaadka, Da’yarkii Taariikhda Sameeyey Iyo Natiijooyinka Kulamadii Champions League Ee Caawa


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa sii wadata guulaha boqolkiiba boqolka ah ee ay kasoo hoynayso horyaalka naadiyada Yurub ee tartanka Champions League, waxaanay soo hoysay libintii shanaad oo xidhiidh ah iyagoo 4-2 ku khaarajiyey Napoli oo si adag u dagaallantay, laakiin aan wali usoo bixin wareegga xiga ee 16ka.

Real Madrid ayaa waqti dambe keentay laba gool oo niyad-jab ku riday Napoli oo gool la hormartay, laakiin awoodi weyday inay ilaashato shabaqeeda oo afar jeer oo kala duwan ay u ogolaatay ciyaartoyda Real Madrid.

Daqiiqaddii 9aad ee bilowga ciyaarta ayaa weeraryahanka reer Argentina ee Giovanni Simeone oo uu dhalay tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone uu hoggaanka u dhiibay Napoli oo uu u dhaliyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhigay Di Lorenzo, hase yeeshee saddex daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Real Madrid inay ka jawaabto goolkaas.

Kubbad uu khadka dhexe kasoo farsameeyey Brahim Diaz ayaa waxa uu u dhiibay Rodrygo oo garabka bidix ka ciyaarayay, waxaanu da’yarka reer Brazil u gooyey dhawr difaac ka hor intii aanu darbad xooggan ku hubsanin shabaqa.

Jude Bellingham ayaa hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid daqiiqaddii 22aad, kaddib markii uu madax ku dhaliyey kubbad uu meel fog kasoo tuuray David Alaba oo la moodayay inay sii ballameen madaxa xiddiga reer England, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1 ay hoggaanka ku haysay Real Madrid, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay natiijadaas.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay laba daqiiqadood oo kaliya ayay Napoli keentay gool degdeg ahaa oo ka nixiyey Real Madrid oo ciyaarta ka dhigay 2-2, waxaana darbad xooggan ugu saxeexay Zambo Anguissa oo goolhaye Lunin hortiisa ka toogtay goolka oo tallaabooyin u jiray.

Intaa wixii ka dambeeyey, Real Madrid ayaa noqotay naadiga ka talinaya garoonka ee la daawanayo dhalinta goolashiisa iyo fursadaha uu abuurayo.

Carlo Ancelotti ayaa beddelay Dani Ceballos iyo Brahim Dias, waxaana uu kooxda ku firfircoonaysiiyey Joselu iyo da’yarka Nico Paz oo labadooduba isku qoray diiwaanka goolasha ee kooxdooda.

Nico Paz oo laga soo dallacsiiyey da’yarta Real Madrid ayaa dhaliyey goolka saddexaad ee kooxdiisa ee niyad-jabka ku riday Napoli, waxaana kubbad uu kasoo xoogay ciyaartoyda Napoli uu ula soo dhowaaday laynka garoonka ka hor intii aanu lasoo gelinna waxa uu ku toogtay darbad xooggan oo lugta bidix ah oo uu qasab ku dhaafiyey goolhayaha Alex Meret oo ay gacmihiisa ka siibatay.

Joselu Mata ayaa ugu dambayntii soo afjaray niyad-jab uu garoonka la dhax-joogay oo uu khasaariyey afar kubbadood oo goolal loo qaatay oo goolka loo hordhigay.

Daqiiqaddii 94aad ayuu Jude Bellingham kubbadda ugu dhiibay meel cidlo ah, waxaana uu Joselu ku hubsaday shabaqa kaddibna waxa uu qabsaday oohin maadaama uu ahaa goolkiisii koowaad ee uu ka dhaliyo tartanka Champions League, sidoo kalena yimid xilli uu lumiyey fursado badan oo kale oo uu quus taagnaa.

Natiijooyinka kulamadii kale ee tartanka Champions League ee caawa

GROUP A

  • Galatasaray 3-3 Manchester United
  • Bayern Munich 0-0 FC Copenhagen

GROUP B

  • Sevilla 2-3 PSV Eindhoven
  • Arsenal 6-0 Lens

GROUP C

  • Real Madrid 4-2 Napoli
  • Sporting Braga 1-1 FC Union Berlin

GROUP D

  • Benfica 3-3 Inter Milan
  • Real Sociedad 0-0 FC Red Bull Salzburg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*