Arsenal Oo Xasuuqii U Weynaa Ka Geysatay Champions League Iyo Inter Milan Oo Soo-laabasho Cajiib Ah Samaysay


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq u geysatay RC Lens oo hore ugu soo garaacday ciyaartoodii waddanka Faransiiska ka dhacday, waxaanay Gunners ku aargoosatay natiijadii ugu weynayd ee laga diiwaangeliyo tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan socda.

Arsenal ayaa waxay 6-0 ku xasuuqday Lens oo marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium, waxaana goolasha qaybsaday lix ciyaartoy oo kala duwan oo mid walba uu hal gool dhaliyey, xilli ay Gunners u gudubtay wareegga 16ka tartanka Champions League.

Kai Havertz ayaa noqday aftax wanaagsan oo ciyaarii labaad oo xidhiidh ah shabaqa soo taabtay iyadoo Sabtidiina uu ahaa xiddigii u go’aamiyey guushii cidhiidhiga ahayd ee ay kasoo gaadheen Brentford ee sababta u noqotay inay la wareegaan hoggaanka horyaalka Premier League.

Afar gool oo kale ayay kala dhaliyeen Gabriel Jesus, Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Martin Odegaard ka hor intii aan loo bixin waqtiga nashada, halka qaybtii labaadna uu goolka lixaad oo rikoodhe ahaa saxeexay Jorginho.

Group B ayaa waxa kaalinta koowaad kaga soo baxday Arsenal iyadoo hal kulan u hadhsan yahay, halka kaalinta labaadna ay kusoo baxday PSV Eindhoven, waxaase kaalinta saddexaad ay u dhaxaysaa Lens oo dhan dhibcood haysata iyo Sevilla oo 2 dhibcood haysata oo kala bixi doona ciyaarta ugu dambaysa.

Dhinaca kale, waxa nasiijo layaableh soo hoysay Inter Milan oo ka daba-timid isla markaana barbarro 3-3 ah ku qabatay FC Porto oo qaybtii hore ku hoggaaminaysay 3-0, waxaanay Nerazzurri awoodday inay saddexda goolba keento qaybta labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*