Mucjisooyinka Ay Manchester United U Baahan Tahay Inay Dhacaan, Si Ay Ugu Soo Gudubto Wareegga 16ka Champions League


Manchester United waxay u baahan tahay in ay mucjisooyin dhacaan si ay ugu soo gudubto wareegga 16ka tartanka Champions League, kaddib barbarro niyad-jab ah oo ay la galeen Galatasara oo ay ku booqdeen waddanka Turkey, taas oo ay ku kala baxeen 3-3.

United ayaa xajisan kari weyday hoggaan 3-1 ah oo ay ciyaarta ku haysay iyadoo 30 daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadka ciyaarta, halka bilowgiina ay 2-0 hoggaanka ku hayeen 18 daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay.

Alejandro Garnacho iyo Bruno Fernandes ayaa laba gool oo ay lix daqiiqadood u dhexeeyeen dhaliyey 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta, laakiin Andre Onana ayaa ogolaaday in Hakim Ziyech uu dhaliyo laba gool, halka Scott McTominay iyo Kerem Akturkoglu ay dhaliyeen goolasha kale ee labada kooxood.

Natiijadani waxay laashay fursadda Manchester United ugu soo bixi karayso wareegga 16ka, laakiin waxa aynu halkan ku eegaynaa mucjisooyinka ay u baahan tahay Red Devils si ay riyadeeda u xaqiijiso.

Manchester United ayaa waxay u baahan tahay, in Bayern Munich ay garaacdo FC Copenhagen, sidoo kalena ciyaarta ugu dambaysa ay isla kufaan oo ay barbarro galeen Galatasaray iyo FC Copenhagen oo wada ciyaari doona, halka iyagana looga baahan yahay inay garaacaan Bayern Munich ciyaartooda ugu dambaysa wareegga group-yada.

Waa natiijooyin lagu tilmaamay mucjiso iyo rajo aad u liidata oo ay Manchester United leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*