Arsenal ayaa u dagaallami doonta in ay kusoo laabato tubta guusha marka ay garoonka Vitality Stadium saacad kaddib marti ugu noqdaan Bournemouth, kaddib markii ay usbuucii hore barbarro niyad-jab ah la galeen Totteham oo ay 2-2 ku kala baxeen kulan ka dhacay Emirates Stadium.
Mikel Arteta ayaa dib u helay ciyaartooyo dhaawacyo soo gaadheen oo si degdeg ah usoo kabtay, waxaana ugu soo bilowday Bukayo Saka iyo Declan Rice oo uu hore tababare Mikel Arteta u sheegay in aanay tababarka qaadan, balse ay waqti dambe dhakhaatiirtu u ogolaadeen in ay ciyaari karayaan kulanka Vitality Stadium.
Labada ciyaartoy ee reer England oo dhaawac kaga baxay kulankii usbuucii hore ee Tottenham, isla markaana ka maqnaaday ciyaartii Brentford ee Carabao Cup ayaa taam noqday, sidoo kalena waxa ay Gunners dib u heshay William Saliba oo kusoo bilowday, halka Fabio Vieira iyo Leandro Trossard oo dhamaystirayay lixda ciyaartoy ee shakigu kaga jiray Arsenal ay iyaguna taam noqdeen oo ay kaydka kusoo bilowdeen.
Arsenal oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Gabriel Martienlli, Jurrien Timber iyo Thomas Partey, waxa weerarka ugu soo bilowday Gabriel Jesus, Eddie Nketiah iyo Bukayo Saka, iyadoo khadka dhexe fursad uu isku muujiyo loo siiyey Kai Havertz oo ay caawin doonaan Martin Odegaard iyo Declan Rice.
Difaada dhexe oo ay William Saliba iyo Gabriel Magalhaes ka ciyaarayaan, waxa dhinacyada ka xiga Zinchenko iyo Ben White, hase yeeshee Ramsdale ayaa si dhab ah u qancaya oo ay u caddaatay in ay uga dhamaatay booska goolhayaha koowaad, waxaana ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah kasoo hormaray David Raya.
Shaxaha labada kooxood oo dhamaystiran
Arsenal XI: Raya, White, Saliba, Gabriel, Zinchenko, Rice, Odegaard, Havertz, Saka, Jesus, Nketiah.
Kaydka: Ramsdale, Smith Rowe, Kiwior, Tomiyasu, Trossard, Jorginho, Vieira, Nelson, Elneny.
Bournemouth XI: Neto, Kerkez, Cook, Solanke, Christie, Tavernier, Kluivert, Senesi, Zabarnyi, Billing, Aarons.
Kaydka: Radu, Brooks, Rothwell, Ouattara, Smith, Sinisterra, Moore, Traore, Semenyo.
Be the first to comment