Galatasaray Oo God Madoow Ku Ridday Rajadii Manchester United Ee Champions League Iyo Sevilla Oo Lagu Dubtay Hoygeeda


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa halis ugu jirta in ay ka hadho tartanka Champions League, waxaana la isku raacsan yahay in suurtogalnimada ay ugu soo gdubi karayaan wareegga 16ku ay aad u yar tahay oo ay quus taagan yihiin.

Manchester United ayaa iska lumisay guul gacanteeda ku jirtay kulan ay booqasho ugu tagtay kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo ay ku hoggaaminaysay 3-1, laakiin laga daba-yimid oo ay ku kala baxeen barbarro 3-3 ah.

Red Devils oo qaybtii horeba niyadda gashatay inay guuleysanayso markii ay laba gool oo daran-doorri ah u dhaliyeen Alejandro Garnacho iyo Bruno Fernandes, isla markaana ciyaarta ku hoggaamiyeen 2-0, ayaa waxa qaladaad dilaa ah sameeyey goolhaye Andre Onana oo kubbad lagu soo laaday oo laad xor ahayd u fasaxay goolkiisa, halka mar kalena uu qalad xun oo kale sameeyey oo kubbad uu joojin karayay laga dhaliyey.

Daqiiqaddii 11aad ee bilowga ciyaarta ayaa Manchester United uu hoggaanka u dhiibay Alejandro Garnacho oo lugta bidix ku dhaliyey gool qurux badan oo uu ugu dabbaal-degay sidii Cristiano Ronaldo oo kale.

Lix daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Bruno Fernandes gool qurux badan oo kale u dhaliyey Manchester United oo uu ciyaarta ka dhigay 2-0, isagoo kubbad uu kasoo jiitay khadka dhexe darbad xooggan ku weydaariyey goolhaye Muslera.

Manchester United iyo taageereyaasheeda u safray Istanbul ayaa u qaatay in ay guuleysanayaan, hase yeeshee laad xor ah oo loo dhigay Galatasaray ayaa waxa gool u beddelay Hakim Ziyech iyadoo goolhaye Onana uu arki waayey kubadda oo kasoo dhax-baxday laba ciyaartoy oo kooxda kale ah.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay toban daqiiqadood oo ayay ciyaartu noqotay 3-1, waxaana gool kale u dhaliyey Manchester United xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay oo shabaqa ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhigay Aaron Wan-Bissaka.

Intaa wixii ka dambeeyey, waxay kubaddu gacanta u gashay Galatasaray oo halgan adag u gashay sidii ay garoonkeeda ugu xoogsan lahayd dhibco, si ay usoo noolayso rajadeeda usoo bixitaanka wareegga 16ka Champions League.

Hakim Ziyech ayaa mar kale qaatay laad xor ah oo uu ku toogtay goolhaye Andre Anana oo musiibo ku noqday kooxdiisa. Goolhayaha reer Cameroon ayaa kubadda ku qabtay labada gacmood oo dib usoo celiyey, waxayna kusii dhacday labadiisa lugood oo ay u weydaaratay shabaqa goolkiisa daqiiqaddii 62aad.

Laba beddel oo uu sameeyey tababaraha Galatasaray ayaa sababay in ay goolka saddexaad keenaan, iyagoo cadaadiska kusii waday goolka Red Devils, halka Erik ten Hag uu saaray Rasmus Hojlund iyo Sofyan Amrabat oo shaqo badan hayay.

Xiddiga reer Turkey ee Kerem Aktürkoğlu oo beddel kusoo galay ayaa Galatasaray u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 72aad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-3 ay ku kala baxeen Manchester United.

Manchester United ayaa waxay leedahay 4 dhibcood oo ay ka urursatay shan kulan oo Champions League ah, waxaanay ku jirtaa kaalinta ugu hoosaysa hormada A, iyagoo isku mid ah FC Copenhagen oo la ciyaaraysa Bayern Munich oo mar horeba soo gudubtay, halka Glatasaray ay labaad ku jirto oo ay leedahay 5 dhibcood.

Dhinaca kale, Sevilla ayaa si rasmi ah uga hadhay tartanka Champions League, waxaana guul soo laabasho oo 3-2 ah ku garaacday PSV Eindhoven oo marti u ahayd.

Sevilla waxay leedahay 3 dhibcood oo kaliya, waxaanay ka hadhay tartanka maadaama Arsenal oo mar horeba soo gudubtay ay sagaal dhibcood haysato iyadoo PSV leh 8 dhibcood, waxaanay kooxda reer Netherlands u baahan tahay kaliya in caawa ay Arsenal qabato Lens.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*