“Gebi Ahaanba Way Isbeddeli Doontaa Kooxdu…” – Arsenal Oo Loo Tilmaamay Xiddigaha Horyaalka Ku Hoggaamin Karaya


Halyeyga Premier League ee Robbie Savage ayaa magacaabay saddex ciyaartoy oo ay Arsenal u baahan tahay inay la saxeexato suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, kuwaas oo uu sheegay in ay si dhab ah u dhalan-geddiyi lahaayeen Gunners oo ay ka dhigi lahaayeen koox ku guuleysan karta horyaalka Premier League.

Robbie Savage oo u ciyaari jiray kooxaha Manchester United, Leicester City, Birmingham City, Derby County iyo kooxo kale oo Ingiriis ah, ayaa waxa uu kula taliyey Mikel Arteta in uu doonto weeraryahan dhexe oo dab iici ah oo dhalin karaya goolal badan.

Khabiirkan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay, in Arsenal ay u baahan tahay inay bisha January la saxeexato Dusan Vlahovic, Victor Osimhen, ama Ivan Toney, waxaana uu xusay, in haddii ay xiddigahan midkood hesho Arsenal in ay isbeddeli doonto oo ay si dhab ah ugu tartami doonto horyaalka.

Robbie Savage oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Horyaalka Premier League waxay ka doonayaan Ivan Toney oo Brentford ah. Waxa kale oo ay doonayaan Dusan Vlahovic oo u ciyaara Juventus iyo Victor Osimhem oo Napoli ah.

“Arsenal waxay u baahan tahay inay hesho midkood saddexdooda, haddii ay midkood kusoo daraan safkooda waxa uu u dhalin karayaa 20 gool iyo ka badan xilli-ciyaareedka. Waxay samayn karaan isbeddel weyn.”

Robbie Savage oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Saddexdoodaba Arsenal way kusoo baxayaan. Toney waxa uu samayn karayo waxa uu ku caddeeyey Brentford, aniga aragtidaydana waa saxeex ay khatartiisu hoosayso maadaama uu horeba uga ciyaaray Premier League.

“Vlahovic iyo Osimehm waa laba dookh oo kale oo is-muujiyey. Alla muxuu ciyaartoy yahay Osimhem, haddii aan anigu ahaan lahaa madaxa suuqa Arsenal, saddexdooda ayaa midkood ka dalban lahaa boodhka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*