RIKOODH JABIYE: Erling Haaland Oo LABA RIkoodhk Oo Taariikhi Ah Ka Sameeyey Champions League Iyo Premier League Toddobaadkan


Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland ayaa rikoodh cusub u dhigay tartanka Champions League, kaddib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii Salaasadii ay guusha soo laabashada ah ee 3-2 ka gaadheen RB Leipzig oo marti ugu ahayd Etihad Stadium.

Erling Haaland ayaa noqday ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee tartanka Champions League ka dhaliya 40 gool, waxaanay ku qaadatay kulamadii ugu yaraa marka loo eego ciyaartoyda kale ee gaadhay tiradaas.

Xiddiga reer Norway oo Sabtidii noqday ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee 50 gool ka dhaliya horyaalka Premier League, rikoodhkaasna ku xaqiijistay 48 ciyaarood oo kaliya oo uu u saftay Man City ayaa waxa haddana uu rikoodh kale ka sameeyey Champions League.

Erling Haaland ayaa 35 ciyaarood oo Champions League ah oo uu saftay waxa uu dhaliyey 40 gool, waana rikoodh aan hore usoo marin tartankan, waxaana ka sokow inuu yahay ciyaartoygii kulamadii ugu tirada yaraa ku gaadha 40 gool, uu haddana noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee 40 gool ka dhaliya Champions League.

Rikoodhkan ayaa waxa uu Erling Haaland gaadhay iyadoo ay da’diisu tahay 23 sannadood iyo 130 maalmood, mana jiro ciyaartoy kale oo ay da’diisu intan le’eg tahay ama ka yar tahay oo dhaliya goolal intan le’eg.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*