DEG-DEG: Ciyaarta Man United vs Galatasaray Oo Halis Ku Jirta + Muuqaallo


Ciyaarta u dhaxaysa kooxaha Manchester United iyo Galatasaray ayaa halis ugu jirta in la baajiyo oo waqti kale loo muddeeyo, sababtoo ah cimillo xun oo ka jirta magaalada Istanbul ee waddanka Turkey oo ay ahayd in ciyaartu ka dhacayso.

Istanbul ayaa waxa illaa maanta ka da’ayey roobab mahiigaan ah, waxaana ay biyo buuxiyeen garoonka RAMS Park oo joojinaya kubadda.

Inkasta oo ay shaqaalaha garoonku isku dayayaan inay maareeyaan oo ay xal u helaan sidii biyaha looga saari lahaa garoonka, haddana roobabka oo wali da’aya ayaa adkaynaya xaaladda.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa masuuliyiin ka tirsan waxa ay tageen garoonka, waxaanay hubinayaan xaaladda garoonka iyo suurtogalnimada in ciyaartu bilaabmi karayso waqtigii loogu talo-galay.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegaysa, in laga fiiranayo in ciyaarta dib loo dhigo saddex saacadood oo ay bilaabanto 11:45pm waqtiga Geeska Afrika, taas oo waqti aad u dambaysa ku noqonaysa ciyaartoyda.

Ciyaartii da’yarta labada kooxood ee galabta ayaa waxa ay ahayd mid jawigeedu xun yahay oo ay ciyaartoydu ku dhibaatoodeen sidii ay kubadda u dhaqaajin lahaayeen.

Halkan ka daawo muuqaallada garoonka

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*