Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa Crystal Palace oo Salaasadii ay 3-0 kusoo garaaceen, isla markaana kasoo reebeen tartanka Carabao Cup, waxaana uu Erik ten Hag sameeyey isbeddello dhawr ah oo uu safkiisa ku firfircoonaysiiyey.
Manchester United oo saddex guulood oo kaliya ka haysata lix ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, isla markaana laga badiyey saddexda kale, waxa ay guuleysatay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada oo ahaa Burnely oo ay 1-0 kaga adkaadeen usbuucii hore horyaalka Premier League iyo Crystal Palace oo ay Salaasadii muquuniyeen.
Weerarka ayaa waxa Man Untied ugu soo bilowday Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund oo uu dhinaca midig ka caawinayo Facundo Pellistri, iyadoo khadka dhexe uu ka dheelayo Bruno Fernandes, halka uu dib ugu soo laabtay Mason Mount oo kasoo kabtay dhaawac.
Casemiro ayaa kubbad-burburiyaha ku qoran, hase yeeshee Sofyan Amrabat oo ay u tahay ciyaartiisii labaad ee uu kusoo bilowdo ayaa waxa la geeyey booska difaaca bidix ee ay dhaawacan yihiin saddexdii laacib ee ay Red Devils u haysatay ee Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Sergio Reguilon oo ay Tottenham amaah kaga soo qaateen oo isaguna liiska dhaawacyada ku biiray.
Raphael Varane ayaa difaaca dhexe ku wehelinaya Lindelof iyadoo dhinaca midig uu kali ku yahay Diogo Dalot oo laacibkii kula tartamayay halkaas ee Aaron Wan-Bissaka uu muddo dhawr bilood ah dhaawac u jiifayo.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United XI: Onana, Dalot, Lindelof, Varane, Amrabat, Casemiro, Mount, Fernandes, Rashford, Hojlund, Pellistri
Kaydka: Bayindir, Maguire, Martial, Eriksen, Garnacho, Evans, McTominay, Van de Beek, Hannibal
Crystal Palace XI: Johnstone, Ward, Guehi, Andersen, Mitchell, Doucoure, Hughes, Ayew, Eze, Schlupp, Mateta
Kaydka: Matthews, Holding, Clyne, Ebiowei, Richards, Riedewald, Rak-Sakyi, Ozoh, Ola-Adebomi
Be the first to comment