Liverpool Oo Heshay Fursad Dahabi Ah Oo Ay Kula Saxeexato Kylian Mbappe


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshay fursad dahabi ah oo ay kula saxeexanayso xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, kaas oo ay si bilaash ah ku qaadan karayaan dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Weeraryahanka reer France ayaa qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay June 2024, waxaana uu xor u yahay inuu la xaajoodo oo uu heshiisyo hordhac ah lasii galo kooxda uu doono marka la gaadho January 1.

Dad badan ayaa rumaysan in xilli-ciyaareedkan uu noqon doono midkii ugu dambeeyey ee PSG uu u ciyaaro, waqtigiisuna uu dhamaan doono xagaaga, balse kooxdiisu waxay wali dedaal ugu jirtaa in ay ku qanciso inuu heshiis cusub saxeexo oo uu sii joogo Parc des Princes.

Kylian Mbappe oo PSG ay 180 milyan oo Euro kaga soo iibsatay 180 milyan oo Euro, ayaa waxa waqtigaas ay saxeexiisa ku garaacday Liverpool oo si weyn u doonaysay, sida uu xaqiijiyey wariyaha wargeyska L’Equipe ee Loic Tanzi.

“Liverpool waxay doonaysay inay la saxeexato Mbappe waqtigii uu joogay Monaco.” Ayuu yidhi Tanzi oo la hadlayay warbaahinta kahor intii aanay bilaabmin ciyaartii Salaasadii ay PSG iyo Newcastle ku kala baxeen barbarraha 1-1 ah.

Waxa uu intaa ku daray: “Klopp ayaa u tegay si uu ula kulmo oo uu ula xaajoodo iyaga oo diyaaradda wada saaran. Xidhiidhka ka dhexeeyey isaga, Liverpool iyo Klopp wuu jiray. Waxay ila tahay in ay haystaan fursad.

“Haddii Madrid ay go’aansato in aanay la saxeexanin, Liverpool ayaa ah kooxda fursadda u haysata.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*